Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS ayaa war kasoo saaray wadahadalladii siyaasadeed ee Muqdisho ka socday intii u dhaxeysay 13–15 May, kuwaas oo u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
UNTMIS ayaa ugu horrayn soo dhaweysay dib u bilaabista wadahadallada, iyadoo dhinacyada ku ammaantay inay miiska wada hadalka kusoo laabtaan, isla markaana uga mahadcelisay saaxiibbada caalamiga ah kaalintii ay ka qaateen fududeynta kulamadaasi.
Si kastaba, QM ayaa sheegtay inay ka xun tahay in kulamadii mar kale kusoo dhammaadeen iyada oo aan xal laga gaarin khilaafaadyadii taagnaa, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in bahda Qaramada Midoobay ay dhiirrigelinayso sida ay dhinacyadu u muujiyeen rabitaanka sii wadista wadahadalka iyo raadinta xal siyaasadeed oo lagu wada qanci karo.
UNTMIS ayaa sidoo kale xustay in Soomaaliya ay gashay marxalad kala-guur siyaasadeed ah, waxayna Dowladda Federaalka ugu baaqday inay mudnaanta siiso wada-tashi loo dhan yahay oo lala yeesho dhammaan daneeyayaasha siyaasadda, si loo helo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay isla markaana mideyn kara shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, QM ayaa ugu baaqday dhammaan Soomaalida inay si wadajir ah diiradda u saaraan xaaladda bini’aadantinimo ee adag iyo khatarta amni ee ay weli dalka ku hayaan kooxaha argagixisada.
Gabagabadii, UNTMIS waxay ku baaqday is-xakamayn iyo in laga fogaado tallaabooyin sii fogeyn kara kala-qaybsanaanta siyaasadeed, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay inay sii waddo taageerada dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya.