Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyysay isku dayga weerar ee loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kaas oo lagu bartilmaameedsaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo diyaaradahaasi la qabtay lana burburiyey kadib markii ay galeen hawada dalkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa weerarradan ku tilmaamtay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo khatar ku wajahan nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Soomaaliya waxay markale xaqiijisay garab istaaggeeda buuxa ee ay la leedahay Boqortooyada walaalaha ah ee Sacuudi Carabiya, iyadoo muujisay taageeradeeda dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinayo amniga, xasilloonida iyo midnimada dhuleed ee dalkaasi.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeysay in weerarrada lagu beegsanayo amniga dowladaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah ay wiiqayaan xasilloonida wadajirka ah ee gobolka, isla markaana ay halis gelinayaan sii kordhinta xiisadaha ka jira gobolka.
Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada is-xakameyn, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo in la xoojiyo dadaallada lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida guud ee gobolka.