Munaasabado waaweyn oo lagu xusayo 18-ka May oo ah maalintii ay Soomaaliland ku dhawaaqday gooni isku taageeda ayaa ka socda magaalada Hargeysa, deegaanno kale, iyo qaar kamid ah dalalka dibedda.
Maalintana oo ah astaan gooni u goosad ayaa deegaanada Soomaaliland laga xusayay taniyo sanadkii 1991-dii, xilligaas oo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana odayaal dhaqan iyo saraakiishii Jabhadda SNM ay magaalada Burco uga dhawaaqeen inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.
Madaxda Soomaaliland oo uu ugu horreeyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cirro ayaa la filayaa inay jeedin doonaan khodbado ku aaddan dabbaaldegga maalintan ay sida mugga leh u weyneeyaan dadka deegaanadaasi, waxaana jidadka magaalada Hargeysa gaardis ku mari doona cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo kooxo faneed.
Xuskan oo sida Xukuumaddu sheegtay ka dhacaya qaar kamid ah dalalka caalamka iyo dhammaan magaalooyinka waaweyn ee maamulkaas, ayadoo sanadkani uu aad uga duwanyahay sanadihii lasoo dhaafay.
Xuska 18-ka May ayaa sanadkan ku soo beegmay ayadoo ay Soomaaliland dhowaan aqoonsi muran badan dhaliyay ka heshay maamulka Israa’iil, islamarkaana ay dedaal ugu jirto sidii ay dunida dal jira ugu tixgelin lahayd.
Soomaaliland oo muddo 35 sano ku dhow raadinaysay aqoonsi caalami ah ayaan ilaa hadda xaqiijin yoolkeeda gooni-ugoosadka, ayadoo dunidu aysan aqbalin kala go’a Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka kooban waqooyiga iyo Koonfurta.