Munaasabado waaweyn oo loogu dabaal-degayo maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee 1-da Luulyo xalay lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne, Dhuusamareeb, Garoowe, Laascaanood iyo Badhan, halkaas oo laga dhigay isu-soobaxyo, bandhigyo calanka Soomaaliyeed ah iyo barnaamijyo lagu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo midowgii labada gobol ee Soomaaliya.
Maanta oo ku beegan 1-da Luulyo, caasimadda Muqdisho waxaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo mid ka mid ah dabaal-degyadii ugu waaweynaa ee loo qabto maalintan tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo kumannaan shacab ah iyo madaxda dowladda ay ka qeyb geli doonaan munaasabadda.
Sidoo kale, qurbo-joogta Soomaaliyeed ee ku nool dalal kala duwan oo caalamka ah ayaa qabanaya munaasabado waaweyn oo lagu xusayo 66-guurada xorriyadda iyo midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya, si ay u muujiyaan taageeradooda taariikhda qaranimada iyo midnimada dalka.
Xuska 66-guurada 1-da Luulyo ayaa sanadkan kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado siyaasadeed oo ay ka mid yihiin faragelinta maamulka Israa’iil iyo khilaafaadka guduhu.