Maanta waxaa guud ahaan dalka laga xusayaa 66-guuradii ka soo wareegtay markii gobolladii waqooyi iyo koofur ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya, isla markaana gobolladii koonfureed ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga 1-dii Luulyo 1960.
Maalintan oo ah astaan qaran, waxay dib u xasuusinaysaa dadka Soomaaliyeed halgankii dheeraa ee ay u soo galeen xorriyadda, midnimada iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo madax-bannaan.
Halgankii Daraawiishta
Bilowgii halganka gumeysi-diidka Soomaaliyeed waxaa hormuud u ahaa Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (1856–1920), oo hoggaaminayey Daraawiishta.
Muddo ku dhow labaatan sano ayuu dagaal kula jiray gumeysteyaashii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Itoobiya, isagoo saldhigyo ka dhigtay deegaannada Taleex, Nugaal iyo dhulal kale.
Inkastoo Daraawiishtii ugu dambeyn lagu jebiyey duqeymo diyaaradeed oo Ingiriisku qaaday sanadkii 1920, haddana halgankoodu wuxuu noqday dhiirrigelinta jiilashii dambe ee u dagaallamay madaxbannaanida Soomaaliya.
Doorkii Ururka SYL
15-kii May 1943 waxaa Muqdisho lagu aas-aasay Ururka Somali Youth League (SYL), oo markii hore loo yiqiin Somali Youth Club (SYC), waxaana Ururkani uu hormuud u noqday halgankii siyaasadeed ee lagu doonayay in Soomaaliya ay hesho xorriyaddeeda.
13-kii dhallinyaro ee aas-aasay SYL waxay horseedeen dhaqdhaqaaqyo badan oo lagu diidanaa gumeysiga, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ku abuurtay wacyi qaran iyo midnimo.
Dhacdadii Hanoolaato
11-kii Janaayo 1948, shacabka Muqdisho waxay sameeyeen dibadbax ballaaran xilli ay dalka booqanayeen guddigii Qaramada Midoobay ee qiimeynayey mustaqbalka Soomaaliya.
Dibadbaxaasi wuxuu isku beddelay iska horimaad sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan, waxaana halyeeyadii ku shahiiday ka mid ahayd Xaawo Taako, oo maanta loo aqoonsan yahay astaan ka mid ah halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.
Go’aankii Qaramada Midoobay
21-kii Nofeembar 1949, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu go’aamiyey in Talyaanigu muddo toban sano ah ku maamulo Koonfurta Soomaaliya iyadoo uu kormeerayo Golaha Ammaanooyinka ee Qaramada Midoobay, si loogu diyaariyo madax-bannaani, wuxuuna Talyaanigu si rasmi ah maamulka ula wareegay bishii Abriil 1950.
Calanka Soomaaliyeed
12-kii Oktoobar 1954 waxaa markii ugu horreysay la taagay calanka Soomaaliya, oo uu naqshadeeyey Marxuum Maxamed Cawaale Liibaan. Calanka buluugga ah ee xidigta cad leh ayaa noqday astaanta mideysay shacabka Soomaaliyeed.
Madax-bannaanidii Waqooyiga
6-dii Abriil 1960 Golaha Sharci-dejinta ee British Somaliland wuxuu ansixiyey go’aanka madax-bannaanida iyo midowga Soomaaliya.
26-kii Juun 1960 ayay British Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo shacabka Hargeysa iyo magaalooyinka kale ay si weyn ugu dabaaldegeen maalintaas taariikhiga ah.
Midowgii 1-da Luulyo 1960
Afar maalmood kadib, 1-dii Luulyo 1960, gobolladii koonfureed waxay ka xoroobeen Talyaaniga, waxaana isla maalintaas si rasmi ah u midoobay Waqooyiga iyo Koonfurta, iyadoo la dhisay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Midowgaasi wuxuu ahaa mid ka dhashay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku salaysnaa Soomaali-weynta iyo dhismaha hal dowlad oo mideysan.
Dowladdii Ugu Horreysay
Markii la dhisay Jamhuuriyadda Soomaaliya, Baarlamaankii ugu horreeyey wuxuu Madaxweyne u doortay Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde), halka 22-kii Luulyo 1960 uu Ra’iisul Wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Dhaxalka 1-da Luulyo
66 sano kadib, 1-da Luulyo waxay weli astaan u tahay halgankii gobannimo-doonka, midnimada iyo himiladii shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in la helo dal xor ah oo mideysan.
Inkastoo Soomaaliya ay soo martay marxalado adag oo siyaasadeed iyo amni, haddana maalintan waxay xambaarsan tahay xusuusta geesiyaashii naftooda u huray xorriyadda iyo rajada jiilasha cusub ee ku aaddan nabad, dowladnimo iyo wadajir qaran.