U bood dhigaalka

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada oo Dardargelinaya Diyaargarowga Xuska 66-aad

Juun 10, 2026

Guddiga Qaran ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulankoodii joogtada ahaa ee lagu dardargelinayo diyaarinta munaasabadaha lagu xusayo sanad-guurada 66-aad ee maalmaha taariikhiga ah ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), kaas oo xubnaha guddiga kala hadlay muhiimadda ay leedahay in si heer sare ah loo abaabulo xuska maalmaha xorriyadda iyo midnimada qaranka.

Intii uu socday kulanka ayaa si qoto dheer looga dooday doorka wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda ee ku aaddan qabanqaabada xuska, iyadoo diiradda la saaray howlaha farsamo, isku dubbaridka munaasabadaha iyo sidii loo xaqiijin lahaa in si weyn looga xuso gudaha dalka iyo dibaddiisaba.

Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa isla meel dhigay qorshayaal lagu xoojinayo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si loo dardargeliyo hawlaha diyaar-garowga, loona hubiyo in munaasabadaha sanadkan ay noqdaan kuwo ka tarjumaya qiimaha taariikhiga ah ee maalmaha xorriyadda iyo midnimada Soomaaliyeed.

Maalmaha 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ayaa ah munaasabado qaran oo xambaarsan xusuusta halgankii gobannimo-doonka iyo mideyntii labada gobol ee Soomaaliyeed, kuwaas oo sanad kasta si weyn looga xuso dalka iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa in sanadkan si gaar ah loo weyneeyo munaasabadahaasi, iyadoo la qorsheynayo barnaamijyo kala duwan oo lagu muujinayo qiimaha midnimada, waddaniyadda iyo taariikhda ummadda Soomaaliyeed.