U bood dhigaalka

Ururka Jaamacadda Carabta oo ka horyimid xaafiiska ay Soomaaliland ka furanayso magaalada Quddus

Maajo 20, 2026

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si adag uga hadlay wararka la xiriira in maamulka Somaliland uu qorsheynayo inuu xaafiis ka furto magaalada Barakaysan ee Quddus, gaar ahaan qaybta ay Israa’iil maamusho ee Bariga Qudus.

Bayaan kasoo baxay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana aan wax saameyn sharciyeed ah yeelan karin.

Wuxuu ku tilmaamay arrintaasi
kicin aan la aqbali karin oo ka dhan ah dunida Carabta iyo tan Islaamka, ayadoo

Afhayeenka xoghayaha guud, Gamal Roshdy, uu asna sheegay in dhaq-dhaqaaqyada noocan oo kale ah ay muujinayaan sida ay Israa’iil u raadineyso aqoonsiyo cusub oo ay ka hesho maamulo ama gobollo aan si rasmi ah loo aqoonsanayn, si ay ugu xoojiso joogitaankeeda dhulka Falastiiniyiinta.

Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale sheegtay in xiriir kasta oo lala yeesho maamul aan caalamku aqoonsanayn uu dhaawac ku yahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka ayaa sidoo kale digniin looga bixiyay waxa lagu tilmaamay fara-gelinta sii kordheysa ee Israa’iil ay ku sameyneyso Geeska Afrika, iyadoo lagu sheegay in arrintaasi ay kordhin karto xiisadaha iyo xasillooni darrada gobolka.

Israa’iil ayaa dhowaan sheegtay in ay Soomaaliland xaafiis ka furanayso magaalada Quddus ka dib markii Madaxweynaha maamulka Israa’iil uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay wakiil ay Soomaaliland dirsatay.