Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay xilliga la qabanayo Imtixaanka Qaranka ee dugsiyada sare ee sannadkan 2026.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in imtixaanka loo fariisan doono inta u dhaxaysa 20-ka Juun ilaa 25-ka Juun 2026, iyadoo farriinta loo diray ardayda, macallimiinta, maamuleyaasha dugsiyada, waalidiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada dalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dhammaan dhinacyada ay khusayso looga baahan yahay inay diyaar garow buuxa sameeyaan si imtixaanku ugu qabsoomo si habsami leh, ammaan ah, isla markaana hufan.
Imtixaanka Qaranka ee dugsiyada sare ayaa sanad kasta waxaa u fariista kumannaan arday oo ku kala sugan gobollada dalka, waxaana uu door muhiim ah ka ciyaaraa qiimeynta heerka waxbarasho ee ardayda Soomaaliyeed.