Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa qaabilay safiirka Dowladda Ruushka u fadhiya Soomaaliya Mikhail Golovanov, asagoo kulan sagootin ah kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Ruushka, iyadoo Madaxweynaha uu uga mahadceliyay safiirka muddadii uu ka shaqeynayay xoojinta iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku ammaanay Danjire Golovanov doorkii muuqday ee uu ka qaatay horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga siyaasadeed iyo wada shaqeynta Soomaaliya iyo Ruushka intii uu xilka hayay.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa u rajeeyay safiirka mustaqbal wanaagsan, isagoo xusay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso sii xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya Dowladda Ruushka.
Dhankiisa, Danjire Mikhail Golovanov ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed wada shaqeyntii iyo soo dhoweyntii uu muddada xilkiisa ku helay dalka Soomaaliya.