Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa sheegay in Ciidanka Qaranka ay saaka aroortii fashiliyeen weerar fulaynimo ah oo ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaadday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska XDS ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanku si geesinimo leh uga hortageen weerarka, isla markaana ay Al-Shabaab gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale, talisku wuxuu sheegay in kooxda laga saaray gudaha iyo daafaha magaalada kadib howlgal ay ciidamadu sameeyeen.
Ciidamada ammaanka ayaa weli wada baaritaanno iyo qiimeyn lagu xaqiijinayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah la soo saaro marka ay soo gabagaboobaan howlgallada socda.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u diray ciidamada ka qeyb qaatay difaaca Baydhabo, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin ciidamada Qaranka.