Bishii Juun 23keedii 2025 ayaan isu diiwaangeliyay doorasho dadweyne. Xilligaas oo hadda laga joogo sannad, doodda siyaasadeed ee doorashada ku aaddan waxa ay ku wareegaysay qodobbo dhawr ah oo ay ugu mudanyihiin suurtagalnimada iyo ka-go’naanshaha.
Doodda suuragalnimadu waxa ay ahayd su’aal ku aaddan in Soomaaliya, oo xaalkeedu sidan yahay ay ka suuragali karto doorasho qof iyo cod ah oo dadweynuhu ugu dareeraan sanduuqyada codbixinta si ay u doortaan madaxdooda. Waxa ay la xidhiidhay in farsamo ahaan doorasho laga qaban karo dalka, oo qalabka, maamulka, loojistikada iyo kartida fulineed la heli karo. Sidoo kale, waxa ay daarnayd in ammaanka goobaha codbixinta la sugi karo. Waxa kale oo ay weydiinta suurtagalnimada la xidhiidha mar walba doodda ku soo daraysay wacyiga dadka, kuwa la dooranayo iyo kuwa wax dooranayaba ma u diyaarsanyahay doorasho dadweyne. Doodaha qaarkood—codka ku hadlayaa haba gaabnaadee, waxa ay su’aalgelinayaan in Soomaalidu gaadhsiisantahay heer ay isdoorato. Dooddan ugu danbaysa waxa ay duraysaa in bulshadu gaadhsiisantahay heer “horumar” ay ku mutaysato in ay wax doorato, dooddaas oo ka halis badan, kana masalo weyn maqaalkan arrinkeeda madal kale ayaan u dhiganayaa.
Waxa aan raabaa in aan si toos ah u galo faaqidaadda labada masalo ee kala ah suurtagalnimada iyo ka-go’naanta. Doodaha suuragalnimada oo dhan waxa jawaab waafi ah ka bixiysay doorashadii degmooyinka gobolka Benaadir ee Diseenbar 25, 2025 qabsoontay. Khamiistaasi waxa Muqdisho ka qabsoontay doorasho ay isu sharraxeen 1,600 oo tartame, oo ku tartamay 390 kursi oo gole degaan ah, waxana isku diiwaangeliyay dadweyne milyan waxyar ka dhiman, waxana ka qeybgalay 20 urursiyaasadeed, halka ay qaadeceen ku dhawaan 40 urur oo u diiwaangashanaa ka qeybqaadashada. Doorashadaas oo ka dhacday 523 goobood, ka hawlagaleen 10,000 askari oo sugayay bedqabka codbixiyayaasha iyo goobaha cidbixinta iyo ammaanka magaalada, waxa ka shaqeeyay tobannaan kun oo hawlwadeen, halka ay ka codeeyeen 233,314 qof. Xogtan waxa loogu noqon karaa Guddiga Doorashooyinka iyo korjoogtaynta bulshada rayidka ah.
Doorashadaasi, waxa ay ka jawaabtay dhammaan su’aalaha suuragalnimada farsamo, ammaan, saad (logistics), maamul, karti iyo weliba habka codbixin, tirin, hubin iwm ee doorasho leedahay. Waxa kale oo ay ka jawaabtay in dadku waxdooran karaan, oo ay diyaar yihiin iyo in kale. Waxa ay noqotay tijaabo la taaban karo, lagu qiyaas qaadan karo, cilladdaha ka yimid, khaladaadka lagula kacay ee ka imanaya dhinacyada ku lugta leh iyo wixii dhici kara ee la suuraysan karo marka la daraaseeyo. Doorashada Diseenbar 25, guud ahaan waxa ay goob shaybaadh u tahay hagaajinta dorasho dadweyne oo dalka ka qabsoonta.
Doodda labaad ee ku saabsan ka-go’naanshuhuna waxa ay daarnayd su’aal ah: intee in le’eg ayay hirgelinta doorashada qof iyo cod ka gona’tahay Xukuumadda Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisalwasaare Xamse. Dooddaasi waxa ay awoodda saaraysay ka hor doorashada Muqdisho, in aysan doorashaba dhici doonin ee “dadka lagu mashquulinayo hawsha diiwaangelinta”. Dareenkaas, oo dad badan ka qabeen ujeeddada laga leeyahay diiwaangelinta aan hore u soo carrabbaabay, waxa meesha ka saaray, oo jawaab waafi ah ka bixinaya, ka dib doorashadii Diseenbar 25 ee Muqdisho, doorashada May 10, 2026 ee dawladgoboleedka Koonfurgalbeed oo lagu dooranayo Dawladaha Hoose ee 13 degmo, iyo golaha wakiillada ee Dawladgoboleedka (oo “baarlamaan” hore loo dhihi jiray), kaas oo Hoggaamiyaha dawladgoboleedka soo dooran doona.
Doorashadanna, waxa isu sharraxay 1,691 musharax oo labada heer ah, waxaa isu diiwaangeliyay ku dhawaan 400 kun oo qof, waxaana ka qeybgalay 18 urursiyaasadeed oo 15 ka mid ahi ka qeyngashay labada heerba, halka 3 ay ku koobnaayeen golayaasha degaanka, waxayna doorashadaasi ka dhacday 13 degmo oo ay ku jiraan caasimadda kumeelgaarka ah iyo caasimadda rasmiga ah ee dawladgobleedka Koonfurgalbeed, degmooyinkaas oo guud ahaan lahaa 114 goob doorasho oo mid walba ay yaalaan 2-3 sanquud ama seejo codayn.
Haddiiba ay doorashadu markii labaad qabsoontay, gobolka Benaadir iyo Dawladgoboleedka Koonfurgalbeed ka qabsoontay, dawladgoboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug oo labada heer ee dawlado hoose iyo dawladgoboleedba la shaaciyay xilliga ay qabsoomayso, dawladgoboleedyada Waqooyibari iyo Jubbalaan oo qeyb ahna la shaaciyay jadwalka doorashooyinka dawladaha hoose, sidoo kalana la muddeeyay doorashada baarlamaanka caasimadda, oo isna duqa caasimadda dooran doona, waxa meesha ka baxaya doodihii taagnaa Julaay 2025, xilligii diiwaangelin dadweyne kaliya socotay, Muqdisho kaliyana ay ka socotay.
Doorasho Dadweyne haddii ay dawladda ka-go’antahay, suuragalna tahay maxaa hadhay?
Marka aan ka go’naanta iyo suuragalnimada ka soo gudubno, su’aasha muhiimka ah ee miiska saarani waa nuxurka ismariwaaga siyaasadeed ee dalka ka jira waxa uu yahay? Nuxurka ismariwaaga siyaasadeed ee dalka haatan ka taagan waa kala xulashada doorasho dadban iyo doorasho dadweyne. Doorasho dadban, waa mid khibrad badan loo leeyahay, waxa tusaale u ah xilli doorasheedkii hore ee 2021/2022 heer federaal, heer dawladgoboleedna waxa u ah Kismaayo (labad door rr u danbeeyay), iyo Baydhabo Abriil 2026. Doorashada dadweynaha khibraddeedu dalka kuma yara, Soomaalilaan oo siddeed (8) jeer ah, iyo Butlaan oo mar ah ayaa khibradda doorasho dadweyne Soomaliya taallaa. Waxaana tusaale u ah doorasho dadweyne oo dawladda federaalka ahi qabato Muqdisho 2025, Koonfurgalbeed 2026.
Sida aan hore u soo xusay, doorashooyinka Muqdisho 2025, iyo Koonfurgalbeed 2026 waxa ay shaybaadh u yihiin doorashooyin dadweyne oo dalka ka qabsooma wixii iyaga ka danbeeya, laga bilaabo dawladaha hoose, golayaasha wakiillada ilaa laga gaadho doorasho federaal. Marka laga yimaaddo in mabda’ ahaan la isugu raacsanyahay, ayna tahay dastuuri, ballanqaad siyaasadeed oo 26 jirsaday, doorashooyin dadweyne waa geeddisocod qaldan, oo qaladyadiisa la sixi karo, in la saxana ay waajib tahay, laakiin waxna lagama sixi karo, lamana horumarin karo haddii aan la bilaabin. Taasi cagsigeeda, doorashooyinka dadban, dabaqadda siyaasadeed ee dalka badankeeda, iyo dadweynaha inta u badan waxa ay isla qirsanyihiin ceeb ahaanshaha noocaas doorasho iyo halisnimadeeda, xataa haddii uu isriixriixa siyaasadeed iyo mucaaradnimadu ka keento siyaasiyiinta in ay taageeraan, oo hanbalyeeyaan doorashooyin dadban oo 24 saacadood ka yar ayaa lagu hirgeliyay la dhahay, bilow ilaa dhammaad.
Aragtidayda, doorashada dadweyne, iskeed ugama taagna ismariwaaga siyaasadeed. Waxa culaysku ka taaganyahay waa waxa ka dhalan doona haddii ay hirgasho.
Maxaa ka dhalan doona haddii doorasho dadweyne ay hirgasho?
Saddex arrin oo dhallanrogaya qaabka siyaasadda dalku u soo shaqaynaysay 26 sanno ayaa ka dhalanaya doorashooyin dadweyne, naqshadda siyaasadduna way isbedelaysaa haddii ay heer federaal ka hirgalaan.
KOW: In doorasho dadweyne heer federaal lagu galo waxa ay keensan doontaa in loo guuro nidaamka xisibiyada, oo laga guuro siyaasadda ku dhisan qof iyo naftiis. Qodobkani wuxu ka culusyahay isbedel kasta oo kale. Waxa uu qasbi doonaa in marka hore, si qofku siyaasi heer qaran oo suuqa siyaasadda wax ka gooya uu u noqodo, xaqna u yeesho in uu ka qeybgalo tartanka, in uu soo dhiso, dad dalka oo dhan ka socdana la soo dhisto, xisbi heer qaran oo ah oo matali kara dhammaan xilalka matalaadeed ee labada aqal ee baarlamaanka, golaha wasiirrada iyo golayaasha wakiilalda dawladgoboleedyada, iyo golayaasha degmooyinka oo dhan.
Tallaabadani waxa ay baabi’inaysaa, sida fudud ee qofku inta uu damiciisa bannaanka la soo istaago, isaga oo keligii ah, uu masiirka dalka saamayn ku yeelanayo, haddii nooca doorasho ee dadban lagu doortana, isaga oo keligiis ah, uu masiirka dalka ka talinayo keligiis. Waxa ay qasbi doontaa in qofka damaca hoggaamineed lihi uu degaannada kala duwan ee dalka ku soo qanciyo hoggaankiisa, oo uu helo, dad dalka oo dhan ka soo kala jeeda, degmo kastana ka soo jeeda ay hoggaan ka dhigtaan si uu ugu yaraan tartanka uga qeyb galo. Taasi waxa ay keensan doontaa in uu Soomaali oo dhan qofku wax la yeesho siyaasad ahaan, oo aanu reer iyo koox isku hallayn. Waxa ay qasbaysaa in uu la yimaaddo siyaasad matali karta dalka oo dhan oo aanu noqon afhayeen qabiil, iyo metelaa degmo gaar ah, marka uu hoggaanka guud ee dalka isku soo taagayo. Doorasho dadweyne oo xisbiyaysan, heer federaal waxa ay nidaaminaysaa siyaasadda dalka, ka hor inta aan looba gudbin in dadku wax doorto. Waxa ay dhahaysaa “si laguu doorto waa in aad dalka isleekaysiisaa oo aan ka kortaa qofnimo, kelinimo, qabiil keliya iyo koox kooban”.
LABO: Masalada labaad ee isbedelka dhulgariirka keensanaysana waxa weeyaan in haddii doorasho dadweyne la qabto, laga guuri doono “tiro xaddidan, boqollaalna haba noqoto e” oo go’aamisa qofka matalaadda helaya, ee hoggaanka qabanaya. Doorasho dadban, si kasta oo loo qurxiyo, mabda’eega kowaad waa in tiro xaddidani ay go’aamiso hoggaanka. Tiro yar oo la iibsan karo, la saamayn karo, hunguri iyo cabsiba la gelin karo. Halka doorasho dadweyne mabda’eedu yahay; in saamayntaasi, hungurigaasi iyo ballanqaadyadaasi dadweynaha loola tago, oo lagu soo jiito. Labada nidaam waa isku lid.
SADDEX: Tan ilaa Carta, shacabka iyo dawladda waxa u dhexeeyay dabaqadda siyaasadeed ee isku doorata si dadban. Kala maqnaanshahaasi wuxu dhaawac ku yahay sharciyadda dawladda, waxa uu xayndaab ka yahay lahaanshaha dadweyne ee dawladnimada, waana darbiga u dhexeeya dadka iyo dawladda. Ka qeybqaadashada dadweynaha ee doorashada, oo keensanaysa in dadka xukumaya iyagu xushaan, intii u hanqaltaagaysa hoggaankuna iyaga marti uga noqoto, waxa ay beeraysaa xidhiidh waara oo dadka iyo dawladda ah, waxa ayna sharciyad adag siinaysaa dawladnimada, labo ilaa afar wareeg oo doorasho dadweyne ahina waxa ay damiin ka tahay labo masalo oo waaweyn.
Midda kowaad waa in mulkiilayaasha dhabta ah ee dawlanimadu ay noqdaan dadweynaha. Ta labaadna waa in dareenka qabyaaladeed ee siyaasaddu shiiqo, oo albaab u furmo dareen wax ku dooranaya adeeg, waxtar iyo matalaad u qalanta codbixiyaha. Waxa ay keensan doontaa marka dadka iyo dabaqadda siyaasadeed isku bislaadaan, isla xisaabtan, iyo codka lagu abaaliyo xisbiga adeega, laguna ciqaabo kuwa ku fashilma u adeegga dadweynaha.
Sidaas darteed, horusocodka qudha ee u furan dawladnimada Soomaaliya waa in ay doorasho dadweyne hirgeliso. Ma noqon doonaan marnaba doorashooyinka dadweyne ee ugu horreeya kuwa ugu habboon, waxa ayse noqon doonaan barbilowga ugu habboon ee dadka dawladdnimada gacanta loogu gelin karo.
WQ: Cabdillaahi Raage (Sayyidka)
Falanqeeye Siyaasadeed, Qoraa iyo Turjumaan