I
In ka badan 25,000 oo arday oo dhigta dugsiyada dhexe iyo sare ee deegaannada Puntland ayaa maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee sanad-dugsiyeedkan, sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland.
Imtixaankan ayaa si rasmi ah uga bilowday gobollada Puntland, iyadoo mas’uuliyiinta wasaaradda ay sheegeen in la diyaariyey dhammaan agabkii iyo habraacyadii lagu xaqiijin lahaa in imtixaanku u qabsoomo si hufan oo ammaan ah.
Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa xustay in muddo 23 sano ah ay si joogto ah ugu guuleysanaysay qabashada imtixaan mideysan, taas oo lagu tilmaamay guul muhiim ah oo ka tarjumaysa horumarka nidaamka waxbarashada Puntland.
Mas’uuliyiinta maamulkaas ayaa ardayda u rajeeyey guul iyo natiijo wanaagsan, iyagoo ku boorriyey inay muujiyaan dadaalkii ay sannadkan waxbarasho ku soo bixiyeen.
Imtixaanka shahaadiga ah ayaa lagu wadaa inuu socdo maalmaha soo socda, iyadoo kumannaan arday ay ku tartamayaan helitaanka natiijooyin wanaagsan oo u sahli doona inay u gudbaan heerarka waxbarasho ee xiga.