Dhismaha Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud waxaa dhigaayo Qodobka 139aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la meelmariyay sanadkani 2026[1]. Horay waxaa dhismaha Xafiiskani u jidaynaayay Sharciga Nidaamka Garsoorka 1974-tii[2] Qodobadiisa 14aad iyo 15aad, iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka 1962-dii[3] Qodobadiisa 7aad iyo 8aad.
Saddexdaa Xeer oo Dastuurku ugu horreeyo, waxa ay isku raacsan yihiin oo si isku mid ah u jideeyeen shaqada iyo awoodaha Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud inay sida ku cad Qodobka 142 (2) Dastuurka JFS ee 2026 yihiin:
(b) Inuu dhaqaajiyo isla markaana oogo dacwadaha ciqaabta federaaliga ah;
(c) Hoggaaminta baarista dembiyada federaaliga;
(d) Inuu unko ama billaabo tallaabooyinka horgaynta eedaysanayaasha maxkamadaha hortooda;
(e) Inuu qaato rafcaannada dacwadaha laga xukumo markay ay ku jirto danta caddaaladda.
Haddaba qoraalkani hoose waxa aynu ku eegi doonnaa khalad dhanka ereybixinta oo keenay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud inuu la wareego shaqadii iyo sharciyaddii Xafiiska Garyaqaanka Guud.
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud sida ku cad bartiisa rasmiga ah ee Faceebook[4] iyo summadda (logo-da) metesho, af Ingiriisi ahaan waxa uu sheegtaa inuu yahay ‘Attorney General’ laakiin sharciyan looma bannayn inuu qabto shaqooyinka uu ‘Attorney General-ku’ ay tahay inuu qabto.
Dunida waxaa kala jira Xafiiska ‘Attorney General – AG’ iyo Xafiiska ‘Director of Public Prosecution – DPP.’
Sida dunida kale looga yaqaan Attorney General (AG)[5], waa mas’uul sare oo Madaxweynaha ama Ra’iisulwasaaruhu magacaabo oo dawladda u qaabilsan inuu noqdo madaxa ugu sarreeya ee latalinta sharci siiyo dawladda qeybaheeda kala duwan, islamarkaana dawladda ku metelo kiisaska madaniga ah (civil cases)[6] maxkamadaha hortooda.Attorney General-ku waxa uu badanaa leeyahay awood wasiir, kana mid yahay golaha wasiirrada. Waddamada qaar sida Maraykankana[7], Wasiirka Caddaaladda iyo Attorney General-ku waa isku hal qof, oo sidaas waxa uu ku noqdaa madaxa ugu sarreeya laanta caddaaladda ee dawladda. Sidaas awgeed, maadaama uu mas’uulkani magacaabo Madaxweynaha ama Ra’iisulwasaaraha, kolkii la doono baa shaqada laga cayrin karaa, oo ma haysto dammaanad shaqo (security of tenure).
Dhanka kale, DPP (Director of Public Prosecution)[8] waa shaqaale dadweyne oo digreeto lagu magacaabo, balse ka hor magacaabistiisa ay magaciisa soo gudbiyaan oo wareysi ka qaadaan, soona maro baarista, xaqiijinta iyo hubinta Golaha Sare ee Garsoorka (Judicial Service Commission)[9] ama Golaha/Komishinka Shaqaalaha Rayidka (Public Service Commission)[10], kaddibna la horgeeyo Xubnaha Baarlamaanka oo iyaguna ansixiyaan, kaddibna Madaxweynuhu ama Ra’iisulwasaaruhu ku magacaabo digreeto. Habkaas dheer bay magacaabistiisu martaa. Mas’uulkani si fudud xilka loogama qaadi karayo, waa in dhabbadii dheereed ee uu xilka ku yimid oo kale la maraa si xilka looga qaado, taasi oo ka dhigan inuu haysto dammaanad shaqo (security tenure). Waana mas’uulka dawladda u qaabilsan inuu dacweeyo oo maxkamadaha horgeeyo eedaysanayaasha ku eedaysan denbiyada ciqaabta, sida dilalka, dhaca, kufsiga, musuqmaasuqa, iwm. Inuu mas’uulkani yahay denbi-oogaha guudna waa isla sababta uu u leeyahay dammaanad shaqo (security of tenure) si uu ugu madaxbannaanaado shaqadiisa oo uu u soo dacwayn karo Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha, Wasiirrada, iyo Taliyaasha Ciidamadaba haddii ay denbiyo galaan.
Tanina waa isla sababta xafiisyada ‘Attorney General’ iyo ‘Director of Public Prosecution’ loo kala qaaday oo midna magacaabis siyaasi ah/political appointee looga dhigay (waa ‘Attorney General-ka’ e), midna looga dhigay shaqaale dadweyne/ public servant (waa ‘Director of Public Prosecution’ e).
Sidaas ayay ahayd shaqooyinkoodu inay u kala soocnaadaan. Shaqada ‘Attorney General’-ku qabto cidda ay ahayd inuu qabato oo weliba magacaas ‘Attorney General’ uu qaato waa Xafiiska Garyaqaanka Guud oo uu dhismihiisa jideeyay Qodobka 154aad ee Dastuurka JFS, 2026 walow uusan Dastuurku sii faahfaahin qodobkaas, jideeyayna Baarlamaanka Soomaaliya inay xeer u gaar ah u sameeyaan Xafiiska Garyaqaanka Guud.
Magacaas ‘Attorney General’ oo laga qaatay Xafiiska Garyaqaanka Guud waa kan keenay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud inuu ka mas’uul noqdo oo gacanta ku hayo kiisaska Dawladda Soomaaliya ka qeyb ka ahayd ee ay dhegaysteen maxkamadaha caalamiga ah: tusaale ahaan kiiskii badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya[11]. Galka kiisaskani cidda ay ahayd inay hayso waa Xafiiska Garyaqaanka Guud maadaama se magacii ‘Attorney General’ uu qaatay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud, sidaas ayaa lagu dhaxalwareejiyay Xafiiska Garyaqaanka Guud oo hal mar laga dhaxalwareejiyay magaciisii, sharciyaddiisii, shaqadiisii, iyo maamuuskiisiiba.
Sidaas ayaan jeclahay gunaanadkii inaan ku soo gunaanado inaan baraarujiyo ku noqoshada iyo u kala beddelista magacyadani ee labadaas xafiis. Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud, oo sida oo kale loogu yeeri karo Denbi-oogaha Guud, waxa aan isleeyahay ereybixinta ku aaddan dhanka af Ingiriisiga waa ‘Director of Public Prosecutions’, halka ereybixinta af Ingiriisiga ah ee Garyaqaanka Guud ku aaddana ay tahay ‘Attorney General.’
War san iyo waayo san.
W/Q: Maxamed-Karaama Axmed Xasan
Arday Sharciga (Qaanuunka) ka dhigta Jaamacadda Islaamiga ah ee ku taallo dalka Yugandha (Islamic University In Uganda).
[1] Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay dastuurkii ugu horreeyay ee dhammaystiran tobannaan sano ka dib – TRT Afrika Somali: https://www.trtafrika.com/somali/article/8e3cd0274944/amp
[2] Sharciga-Nidaamka-Garsoorka.pdf https://somlaw.so/wp-content/uploads/2024/11/Sharciga-Nidaamka-Garsoorka.pdf
[3] Judicature-Act-1962.pdf https://lac.so/wp-content/uploads/2023/12/Judicature-Act-1962.pdf
[4] Link: https://www.facebook.com/share/1EotQLpbAc/
[5] Tusaale ahaan eeg: Qodobka 119aad ee Dastuurka Uganda, 1995 (https://www.ngobureau.go.ug/sites/default/files/laws_regulations/2020/12/Uganda%20Constitution%201995.pdf) iyo Qodobka 156aad ee Dastuurka Kenya, 2010 (https://faolex.fao.org/docs/pdf/ken127322.pdf)
[6] Kiisaska madaniga ah waa kiisaska u dhexeeyo ee ay isku dacwaynayaan, qeybna ka yihiin labo shakhsi, sida kiisaska la xiriira ka soo bixis la’aanta hishiisyo, isku qabsashada fasiraada qodob dastuur ama xeer, iwm
[7] Office of the Attorney General | Office of the Attorney General https://www.justice.gov/ag
[8] Tusaale ahaan eeg: Qodobka 120aad ee Dastuurka Uganda (https://www.ngobureau.go.ug/sites/default/files/laws_regulations/2020/12/Uganda%20Constitution%201995.pdf) iyo Qodobka 157aad ee Dastuurka Kenya, 2010 (https://faolex.fao.org/docs/pdf/ken127322.pdf)
[9] Eeg Qodobada 140aad iyo 135aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, 2026.
[10] Eeg Qodobka 120aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Uganda, 1995.
[11] Xeer-Ilaaliyaha Guud oo ka warbixiyay Kiiska Badda: