Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddiga Sare ee Maamulka Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka, si loo xoojiyo awoodda dowladda ee ka hortagga, u diyaar garowga iyo wax ka qabashada musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadantinimo ee dalka ka dhaca.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu magacaabay xubnaha guddigan oo isugu jira wasiirro, khubaro dhinaca dhaqaalaha ah iyo culimo, kuwaas oo loo xilsaaray inay hagaan maamulka sare ee sanduuqa, la socdaan xaaladaha musiibooyinka, isla markaana ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah wax ka qabashadooda.
Guddoomiyaha guddigan cusub ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), iyadoo xubnaha kale ee guddigu ay ka qeyb qaadan doonaan dejinta siyaasadaha iyo jihaynta sanduuqa si loo hubiyo in gurmadka iyo taageerada loo fidinayo bulshada ay ku dhacaan si hufan oo waxtar leh.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii u dambeeyay dadaal xooggan ku bixisay dhismaha hannaan qaran oo lagu maareeyo khataraha musiibooyinka, gaar ahaan kuwa la xiriira abaaraha, fatahaadaha, cudurrada faafa iyo xaaladaha kale ee degdegga ah ee saameeya nolosha shacabka.
Sanduuqan Qaran ee Maareynta Khataraha Musiibooyinka ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro isku dubbaridka kheyraadka gudaha iyo taageerada caalamiga ah ee lagu wajahayo xaaladaha degdegga ah, iyadoo guddiga cusubna laga sugayo inay sare u qaadaan isla xisaabtanka iyo waxtarka maamulka sanduuqa.