Dhuusamareeb, Juun 14, 2026 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dawladgoboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhawre, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda iyo saraakiil amni, ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sannaddugsiyeedka 2025–2026.
Imtixaanka sannadkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu ballaarnaa ee abid ka qabsooma degaannada Galmudug, iyadoo ay u fadhiisteen 8,195 arday oo ku kala galaya 41 xarumood oo ku yaalla 21 degmo iyo deegaan oo ka tirsan dawladgoboleedka Galmudug.
Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegay in dhammaan diyaargarowgii lagamamaarmaanka u ahaa qabsoomidda imtixaanka la dhammaystiray, isla markaasna la adkeeyay habraacyada lagu xaqiijinayo hufnaanta, daahfurnaanta iyo tayada imtixaanaadka.
Wasiir Maxamed Xaashi Dhowre ayaa ardayda u fadhiisatay imtixaanka ku boorriyay inay muujiyaan dadaalkooda waxbarasho, isagoo u rejeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan oo ka tarjumaya juhdigii ay geliyeen waxbarashadooda.
Kororka tirada ardayda sannadkan u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ayaa muujinaya ballaarinta fursadaha waxbarasho ee deegaannada Galmudug iyo kororka kaqeybgalka ardayda ee waxbarashada aasaasiga ah.