U bood dhigaalka

Mareykanka oo Duqeyn Ka Fuliyay Deegaanka Welmaro ee Gobolka Jubbada Hoose

Juun 22, 2026

Muqdisho – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuu duqeyn cirka ah la beegsaday kooxda Al-Shabaab 19-kii Juun 2026, iyadoo hawlgalkan lagu fuliyay iskaashi ay la sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka AFRICOM, duqeyntu waxay ka dhacday deegaanka Welmaro oo qiyaastii 103 kiiloomitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

AFRICOM ayaa xustay in hawlgalkani qayb ka yahay dadaallada wadajirka ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed iyo Mareykanka, kuwaas oo lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab ee khatarta ku ah ammaanka Soomaaliya iyo danaha Mareykanka.

Taliska AFRICOM ma shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamada ama agabka loo adeegsaday duqeynta, iyagoo sheegay in arrintaasi la xiriirto ilaalinta sirta hawlgallada socda.

Ilaa hadda lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah ay ka soo baxdo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha amniga.