Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeyn ka dhacday gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay madax ka tirsan Al-Shabaab, halka lagu dhaawacay xubno kale oo uu ku jiro Yuusuf Ciise Kabakutukade.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadlay magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in duqeyntu ka dhacday degmada Aadan Yabaal, isla markaana lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen hoggaamiyeyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Wasiir Fiqi ma uusan shaacin tirada rasmiga ah ee dadka lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto howlgalka ka dhanka ah Madaxda Shabaab.