U bood dhigaalka

Maxaa ka Jira Warka Sheegaya in Cunaqabataynta laga Qaaday Sheekh Xasan Daahir Aweys?

Luuliyo 29, 2026

Warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in Waaxda Hantida ee Maraykanka (Office of Foreign Assets Control – OFAC) ay cunaqabataynta ka qaaday Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaan sax ahayn.

Baaritaan lagu sameeyay diiwaannada rasmiga ah ee OFAC ayaa muujinaya in aan la samayn delisting (ka saarista liiska cunaqabataynta), balse ay dhacday oo keliya dib-u-habayn farsamo (administrative update) oo lagu mideeyay diiwaanno soo noqnoqday.

OFAC waxay 27kii Luulyo 2026 ku dhawaaqday inay isku dartay 18 galitaan oo labajibbaarnaa (duplicate entries), iyadoo meesha ka saartay diiwaannadii soo noqnoqday. Hay’addu waxay si cad u sheegtay in inkasta oo galitaannadaas la tiray, haddana dadka iyo hantida la xiriirta ay weli ku jiraan cunaqabataynta, isla markaasna hantidooda ay weli xanniban tahay.

Kiiska Sheekh Xasan Daahir Aweys, waxa la tiray oo keliya galitaankii soo noqnoqday (Duplicate UID 11744), halka galitaankii asalka ahaa (UID 7006) uu weli ku jiro liiska SDN ee OFAC. Sidaas darteed, xaaladdiisa sharci ee cunaqabataynta wax isbeddel ah kuma iman. (ofac.treasury.gov⁠)

Sida caadiga ah, marka OFAC ay qof ama hay’ad si rasmi ah uga saarto liiska cunaqabataynta, waxay si cad ugu sheegtaa bayaankeeda in qofkaas ama hay’addaas la delisted (laga saaray liiska). Hasayeeshee, marka ay saxayso diiwaanno isdulsaaran ama xog soo noqnoqotay, waxay adeegsataa ereyo ay ka mid yihiin “duplicate entries”, “duplicate UID” ama “duplicate records”, kuwaas oo aan ka dhignayn in cunaqabatayn la qaaday.

Sidaas awgeed, sheegashada ah in OFAC ay cunaqabataynta ka qaaday Sheekh Xasan Daahir Aweys waa xog aan sax ahayn, maaddaama isbeddelka dhacay uu ahaa mid farsamo oo keliya, isla markaana aanu waxba ka beddelin xaaladdiisa cunaqabatayneed.

Isha rasmiga ah: OFAC