U bood dhigaalka

Shirkii Kampala: Dalalka Ciidamadu ka jooggaan Soomaaliya oo isku raacay qorshe cusub oo lagu xoojinayo amniga dalka

Luuliyo 31, 2026

Shir-Madaxeedkii Labaad ee Aan Caadiga Ahayn ee dalalka ciidamada  Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Shirka waxaa martigeliyay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, waxaana ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, madax iyo wakiillo ka socday dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, Midowga Afrika (AU), IGAD iyo Qaramada Midoobay.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirka ayaa lagu bogaadiyay dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya doorkooda ku aaddan la dagaallanka argagixisada iyo taageerada xasilloonida dalka.

Sidoo kale, waxaa tacsi loo diray askartii ku naf-waayay ama ku dhaawacantay howlgalka.

Shirku wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso Soomaaliya mideysan oo leh hay’ado dowladeed oo xooggan, isla markaana la xoojiyo hannaanka dimuqraadiyadda, iyadoo mudnaanta la siinayo midnimada qaranka iyo danaha guud.

Qodobka ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa in la isku raacay qorshe nidaamsan oo lagu soo afjarayo howlgalka AUSSOM muddo u dhexeysa 18 ilaa 24 bilood, iyadoo si tartiib tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejinayo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Qorshahan ayaa sidoo kale diiradda saaraya ciribtirka Al-Shabaab iyo taageeridda ciidamada deegaanka iyo kuwa moobilka ah ee suga amniga deegaannada la xoreeyay.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la kordhiyo taageerada dhinaca diyaaradaha, sirdoonka, sahanka iyo la socodka hawlgallada, si loo xoojiyo awoodda ciidamada Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu baaqay in la mideeyo tababarka iyo istaraatiijiyadda ciidamada qaranka.

Dhanka kale, shirku wuxuu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo fikirka xagjirka ah ee Al-Shabaab, iyadoo la horumarinayo adeegyada iyo fursadaha bulshada si loo yareeyo sababaha keena ku biirista kooxaha argagixisada.

Si loo xaqiijiyo sii socoshada howlgalka AUSSOM, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ciidamada bixiya, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa loo xil saaray inay dhisaan guddi wadajir ah oo ka shaqeeya helidda maalgelin waarta oo lagu taageero howlgalka.

Ugu dambeyn, war-murtiyeedka iyo go’aannada kasoo baxay shirka ayaa loo gudbin doonaa Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU PSC), si ay u ansixiyaan ka hor inta aan loo gudbin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.