U bood dhigaalka

TALIYAHA AFRICOM OO QIRAY IN DUQEYMAHA MAREYKANKA EE SOOMAALIYA AY HORAY U SABABEEN KHASAARE SHACAB

Ogoosto 1, 2026

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Dagvin Anderson, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay dadaal badan sameeyaan si looga fogaado waxyeellada shacabka marka ay duqeymaha ka fulinayaan Soomaaliya.

Gen. Anderson oo Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in AFRICOM ay baaritaan ku sameyso eedeymaha la aamini karo ee la xiriira khasaaraha shacabka, isagoo qiray in mararka qaar ay dhaceen khaladaad sababay dhimasho ama dhaawac dad rayid ah, isla markaana xaaladaha qaar magdhow la bixiyay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in duqeymaha Mareykanka ay inta badan bartilmaameedsadaan Al-Shabaab iyo Daacish, gaar ahaan goobaha ay kooxahaasi ku leeyihiin Soomaaliya.

Dhanka kale, hay’ado madax-bannaan oo dabagala khasaaraha shacabka ayaa soo bandhigay dhacdooyin ay ku sheegeen in duqeymo ama howlgallo militari oo Mareykan ah ay sababeen dhimasho rayid. AFRICOM ayaa qaar ka mid ah eedeymahaas diiday, halka kuwo kalena ay weli baaritaan ku jiraan.

Gen. Anderson ayaa ku adkeystay in khasaaraha ay Al-Shabaab iyo Daacish u geystaan shacabka Soomaaliyeed uu aad uga badan yahay khasaaraha ka dhasha howlgallada Mareykanka, isagoo sidoo kale sheegay in kooxaha hubeysan ay mararka qaar buunbuuniyaan ama sameeyaan eedeymo ku saabsan khasaaraha shacabka si ay uga faa’iideystaan dacaayad ahaan.