U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Danab

Ogoosto 4, 2026

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa tababar ugu soo xiray Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee sida gaarka ah u tababaran.

Munaasabadda ayaa waxaa Taliyaha ku wehliyay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, waxaana sidoo kale ka qeybgalay Taliyaha Xerada Balli-doogle ee Mareykanka, Major Robert Zimmerman, iyo saraakiil kale.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa askarta tababarka dhammaysatay u jeediyay dardaaran, isagoo ku booriyay inay ka faa’iideystaan xirfadaha ay barteen, isla markaana si masuuliyad leh ugu gutaan waajibaadka loo igmaday.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada, aqoonta iyo awoodda hawlgelineed ee Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan ciidamada Danab oo door muhiim ah ka qaata howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Munaasabadda ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada dowladda ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo awoodda ciidanka iyo diyaar-garowga hawlgallada amniga ee dalka.