Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay inay Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku qabatay sagaal qof oo ay ku eedeysay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo sida ay hay’addu sheegtay ku howlanaa qorsheynta falal amni-darro ah.
NISA ayaa sheegtay in dadka la qabtay ay si dhuumaaleysi ah ugu sugnaayeen Garasbaaley, Kaxda iyo xaafado ka tirsan Ceelasha Biyaha.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in afar ka mid ah dadka la qabtay ay ahaayeen shabakad isku xiran oo lagu eedeeyay inay qorsheynayeen falal argagixiso oo lagu waxyeelleyn lahaa shacabka, laguna qalqal gelin lahaa amniga caasimadda.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, sirdoonka ayaa muddo dabagal ku hayay dhaq-dhaqaaqyada xubnahan, waxaana ugu dambeyn lagu qabtay goobihii ay ku sugnaayeen.
NISA waxay sheegtay in baaritaanno lagu wado dadka la qabtay, iyadoo markii dambe loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo waafajiyo sharciga.