U bood dhigaalka

NISA oo Howlgal ka Dhacay Shabeellaha Hoose ku Dishay Toddobo Xubnood oo Shabaab ah

Ogoosto 11, 2026

Muqdisho, 11 Agoosto 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsan Shabaab halka qaar ka mid ah horjoogeyaasha kooxda lagu soo warramay inay ku dhaawacmeen howlgalka.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday xarun ay Shabaab ku lahaayeen deegaanka Tawakal, kaddib markii la helay xog sirdoon oo lagu xaqiijiyay in halkaasi ay ku sugnaayeen horjoogeyaal muhiim ah oo ka tirsan kooxda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, bartilmaameedka ayaa ahaa goob gudaha ah oo ay horjoogeyaashu si gaar ah ugu kulmi jireen, waxaana la beegsaday xilli ay halkaasi ku sugnaayeen.

Horjoogeyaasha la sheegay inay goobta ku sugnaayeen waxaa ka mid ahaa Yoonis Macallim Abuukar, oo qaabilsanaa deegaanka Mushaani; Abuu Xaaji Fareey, oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka Tawakal; Ayaatullaahi, oo ahaa horjoogaha Jabhadda Gobolka Shabeellaha Hoose; iyo Cabdifitaax Rooble, oo ahaa horjoogihii Baadda ee deegaanka Baladul-Amiin.

NISA ayaa sheegtay in xogta hordhaca ah ay xaqiijisay in Yoonis Macallim Abuukar iyo Cabdifitaax Rooble ay dhaawacyo culus ka soo gaareen howlgalka.

Hay’addu waxay sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, laguna burburinayo hoggaanka iyo goobaha ay u adeegsadaan abaabulka iyo qorsheynta falalka argagixisada.

NISA ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka inay hay’adda la wadaagaan wixii macluumaad ah ee la xiriira khataraha amni iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab iyo Daacish.