U bood dhigaalka

Uganda oo sheegtay in ciidamadeedu sii joogi doonaan Soomaaliya

Ogoosto 15, 2026

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay sii joogi doonaan Soomaaliya, xitaa haddii uu isbeddel ku yimaado mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Wasiirka Difaaca Uganda, Kiryowa Kiwanuka, ayaa sheegay in Uganda ay Soomaaliya sii joogi doonto, iyadoo ciidamada qaar lagu sii hayn doono Soomaaliya heshiis laba geesood ah oo ay labada dal kala saxiixdeen.

Uganda waxay Soomaaliya ku leedahay ku dhawaad 4,500 askari oo ka tirsan AUSSOM, halka ciidamo kale oo gaaraya ku dhowaad 2,000 ay ku joogaan heshiis toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda.

Mustaqbalka AUSSOM ayaa mugdi galay kaddib markii Mareykanku uu ku dhawaaqay inuu dhammaadka sanadkan joojin doono lacagihii uu siin jiray Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, UNSOS, kaas oo muhiim u ah saadka iyo taageerada howlgalka.

Wasiir Kiwanuka ayaa sheegay in qaabka ciidamada Uganda Soomaaliya uga sii shaqeyn doonaan uu isbeddeli doono, balse uu caddeeyay in Uganda aysan ka bixi doonin Soomaaliya.

Dhanka kale, saraakiil ka tirsan militariga ayaa sheegay in dalal ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya iyo Masar ay sidoo kale doonayaan inay ciidamadooda Soomaaliya sii joogteeyaan sannadka 2027.

Wasiirrada Difaaca dalalka ciidamada ku leh AUSSOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeystay in haddii howlgalka Midowga Afrika uu dhammaanayo, bixitaankiisu noqdo mid tartiib ah, nidaamsan oo isku-duwan, si masuuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed.