Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeedu, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka lagu dilay saddex horjooge oo sare iyo shan maleeshiyaad ah, halka afar kale lagu dhaawacay.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, saddexda horjooge ee la dilay ayaa kala ahaa Sicid Xuriye, oo lagu sheegay inuu qaabilsanaa baadda Bariga Gobolka Hiiraan; Xamse Bakool, oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka ka howlgala Hiiraan; iyo Cusmaan, oo NISA sheegtay inuu ahaa horjooge ka tirsan kooxda.
NISA waxay sidoo kale sheegtay in weerarka lagu dilay shan dhagar-qabe oo ilaalo u ahaa horjoogayaasha, halka afar kale lagu dhaawacay. Waxaa dhaawacyada ku jira horjooge lagu magacaabo Khaalid Ciro.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in howlgalka uu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo hoggaanka Shabaab, laguna wiiqayo awooddooda abaabul iyo fulinta weerarrada.
NISA ayaa sidoo kale sheegtay in Cabdikariin Yuusuf Axmed, oo ay ku tilmaantay horjooge Shabaab ugu magacaawnaa deegaanka Tardo, uu goobta ka baxsaday.
Hay’adda ayaa ugu dambeyn shacabka ugu baaqday inay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab iyo Daacish, gaar ahaan xogaha la xiriira khataraha amni.