U bood dhigaalka

In ka badan 150 Soomaali ah oo deeqo waxbarasho ka helay dowladda Shiinaha

Ogoosto 17, 2026

In ka badan 150 Soomaali ah ayaa sanadkan helay deeqo waxbarasho oo ay bixisay dowladda Shiinaha, taas oo noqotay tiradii ugu badnayd ee abid hal mar la siiyo arday iyo shaqaale Soomaali ah.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, ayaa tiradan ku dhawaaqay munaasabad ka dhacday Muqdisho, halkaas oo lagu maamuusay ardayda ku guuleysatay deeqaha waxbarasho.

Safiirku wuxuu sheegay in tirada Soomaalida loo dirayo Shiinaha waxbarashada iyo tababarrada milatari ay sanadkan gaartay heerkii ugu sarreeyay, iyadoo tani ay tahay sannadkii labaad oo xiriir ah oo la diiwaangeliyo koror weyn.

Barnaamijka deeqaha waxbarasho ayaa dib loo bilaabay iyadoo kooxdii ugu horreysay ay ka koobnayd 16 arday Soomaali ah, halka sanadkan tiradu ka badan tahay 150 qof.

Ardayda ayaa fursad u heli doona inay Shiinaha ka bartaan takhasusyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin caafimaadka, injineernimada, maamulka iyo culuumta kale, halka qaar ka mid ah Soomaalida ay sidoo kale qaadanayaan tababbarro milatari.

Safiirka Wang Yu ayaa ardayda kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursadda, waxbarashadana xoogga saaraan, isla markaana xiriirro wanaagsan la sameystaan bulshada Shiinaha.

Munaasabadda ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay guulo ay gaareen arday Soomaali ah oo hadda wax ka barata jaamacadaha Shiinaha, kuwaas oo qaarkood ku guuleystay tartamada hal-abuurka iyo abaalmarinno dhinaca waxbarashada ah.