U bood dhigaalka

Maxkamad Maraykan ah oo oggolaatay Masaafurinta ku dhowaad 1,100 Qof oo Soomaali ah

Ogoosto 17, 2026

Maxkamad federaal ah oo ku taalla Maraykanka ayaa jidka u bannaysay maamulka Madaxweyne Donald Trump inuu joojiyo Xaaladda Ilaalinta Kumeelgaarka ah (TPS) ee ku dhowaad 1,100 Soomaali ah.

TPS ayaa ah ilaalin sharci oo ku meelgaar ah oo Maraykanku siiyo dadka ka soo jeeda dalal ay ka jiraan dagaallo, aafooyin ama xaalado kale oo halis ah, taas oo u saamaxaysa inay dalkaas ku noolaadaan kana shaqeeyaan iyaga oo laga ilaalinayo masaafurinta.

Hay’adda Adeegyada Muwaadinnimada iyo Socdaalka Maraykanka (USCIS) ayaa xaqiijisay in ilaalinta Soomaaliya ay si rasmi ah u dhammaatay 14ka Agoosto 2026.

Garsoore Allison Burroughs oo ka tirsan Maxkamadda Federaalka ah ee Boston ayaa Jimcihii meesha ka saartay xannibaad maxkamadeed oo tan iyo bishii Maarso hortaagnayd Wasaaradda Amniga Gudaha Maraykanka inay hirgeliso go’aanka lagu joojinayo ilaalinta kumeelgaarka ah ee Soomaalida.

Isla garsoorahan ayaa bishii Maarso si kumeelgaar ah u hakisay go’aanka, kaddib dacwad ay soo gudbiyeen afar qof oo Soomaali ah iyo laba urur oo u dooda xuquuqda muhaajiriinta.

Dacwoodayaashu waxay ku doodayeen in joojinta barnaamijku ay la xiriirto takoor iyo siyaasadda adag ee socdaalka ee maamulka Trump.

Go’aanka cusub ayaa yimid kaddib markii Maxkamadda Sare ee Maraykanku ay bishii Juun xaddidday awoodda maxkamadaha hoose ay dib ugu eegayaan go’aannada Wasaaradda Amniga Gudaha ee lagu joojinayo ilaalinta kumeelgaarka ah ee dadka ka soo jeeda dalalka kala duwan.

Go’aankaasi wuxuu hore jidka ugu furay joojinta ilaalinta dadka ka soo jeeda dalal ay ka mid yihiin Hayti, Suuriya, Koonfurta Suudaan iyo Mayanmaar.

Hay’adda Adeegyada Muwaadinnimada iyo Socdaalka Maraykanka (USCIS) waxay hadda xaqiijisay in ilaalinta kumeelgaarka ah ee Soomaaliya la joojiyay laga bilaabo 14ka Agoosto, isla markaasna waraaqihii oggolaanshaha shaqada ee ku xirnaa ilaalintaas aanay hadda sidii hore ugu sii ansaxayn dadka ay go’aanku khusayso.

Xaaladda Ilaalinta Kumeelgaarka ah, oo Ingiriisiga lagu yiraahdo Temporary Protected Status, waa ilaalin sharci oo Maraykanku siin karo dadka ka soo jeeda dalal ay ka jiraan dagaallo, masiibooyin dabiici ah ama xaalado kale oo halis gelin kara dib ugu noqoshadooda.

Qofka hela ilaalintan waxaa loo oggolaan karaa inuu Maraykanka sii joogo oo ka shaqeeyo inta ay jirto, balse ilaalintu qofka si toos ah uma siinayso deggenaansho rasmi ah.

Soomaaliya waxaa markii ugu horraysay ilaalintan loo asteeyey 1991, xilligii uu burburay dalku, waxaana tan iyo markaas marar badan dib loo cusboonaysiiyay. Dawladda Maraykanka ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan ku dhawaaqday inay joojinayso, iyadoo ku doodday in xaaladda Soomaaliya ay isbeddeshay oo aysan mar danbe buuxin doonin shuruudihii sharci ee ilaalintan.

Xogta rasmiga ah ee Wasaaradda Amniga Gudaha waxay muujinaysaa in 1,082 qof ay haysteen ilaalinta kumeelgaarka ah ee Soomaaliya markii go’aanka joojinta la diyaarinayay, halka 1,383 codsi oo kale ay weli sugayeen go’aan ilaa Diseenbar 2025.

Joojinta ilaalintan macnaheedu ma aha in dhammaan Soomaalida ay khusayso isla markiiba la masaafurinayo.

Qofka haysta sharci kale oo uu Maraykanka ku joogo wuxuu ku sii nagaan karaa sharcigaas; hayeeshee qofkii ku tiirsanaa ilaalintan oo keliya wuxuu luminayaa difaacii gaarka ahaa ee ka hortaagnaa masaafurinta iyo oggolaanshihii shaqada ee ku xirnaa.

Go’aanka ayaa saamaynaya bulsho Soomaaliyeed oo muddo dheer Maraykanka ku noolayd, xilli maamulka Trump uu sii adkaynayo siyaasadaha socdaalka iyo masaafurinta dadka aan haysan sharci joogto ah.