Dowladda Galmudug ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada ku yaalla deegaanada maamulkaasi, iyadoo natiijada lagu soo bandhigay munaasabad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug ayaa sheegtay in imtixaanka ay u fariisteen 8,104 arday, kuwaas oo ka kala socday dugsiyada ku yaalla deegaanada maamulka.
Tirada ardayda imtixaanka gashay ayaa waxaa ka mid ahaa 4,180 wiil iyo 3,924 gabdhood.
Natiijada la shaaciyay ayaa muujinaysa in 7,881 arday ay ku guuleysteen imtixaanka, halka 223 arday ay ku dhaceen.
Ardayda guuleysatay waxaa ka mid ah 4,073 wiil iyo 3,808 gabdhood, taasoo ka dhigan in heerka guud ee guusha imtixaanku uu gaaray ku dhowaad 97 boqolkiiba, halka 2.8 boqolkiiba ardayda ay ku dhaceen.
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sheegtay in natiijadani ay muujinayso dadaalka ay sameeyeen ardayda, macallimiinta, waalidiinta iyo dhammaan dhinacyada ku howlan horumarinta waxbarashada ee deegaanada Galmudug.
Imtixaanka fasalka 8-aad ayaa ah mid muhiim u ah ardayda, maadaama uu qeyb ka yahay marxaladda kala guurka ee waxbarashada aasaasiga ah, waxaana natiijadiisa si weyn u sugayay ardayda iyo waalidiinta.
Si kastaba ha ahaatee natiijada sanadkan waxay muujinaysaa heer guul oo sare, iyadoo inta badan ardaydii u fariisatay imtixaanka ay ka gudbeen, halka tiro kooban ay ku guuldarreysteen.