U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay 10-ka arday ee ugu sarreeyay imtixaanka fasalka 12-aad

Ogoosto 24, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo natiijada wanaagsan ee ay ka soo hooyeen imtixaanka.

Wuxuuna kula dardaarmay inay sii wadaan dadaalka waxbarasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in arday kasta oo doonaya inuu waxbarashadiisa jaamacadeed ku sii wato gudaha dalka loo diyaarin doono fursad waxbarasho oo bilaash ah, si loo dhiirrigeliyo ardayda hibada iyo aqoonta leh.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay qorsheyneyso hirgelinta jaamacad dowladeed oo cusub oo si gaar ah u bixin doonta waxbarashada Teknoolojiyadda, taas oo loogu talagalay in dhallinyarada Soomaaliyeed loo abuuro fursado waxbarasho oo tayo leh, gaar ahaan kuwa xiiseynaya culuumta casriga ah iyo tiknoolajiyadda.

Kulanka ayaa noqonaya mid lagu dhiirrigelinayo ardayda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda ay sheegtay inay xoogga saarayso horumarinta waxbarashada iyo kobcinta jiilka cusub ee dalka hoggaamin doona.