Maamulka Somaliland ayaa maanta shaaciyay natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasallada 12-aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe.
Imtixaanka Dugsiga Sare:
Waxaa imtixaanka galay 16,078 arday, waxaana ku guuleystay 16,051 arday, taas oo u dhiganta 99.8%. Halka 27 arday, oo ah 0.2%, ay ku harayaan imtixaanka.
Imtixaanka waxaa galay 25,954 arday, waxaana gudbay 25,860 arday, oo u dhiganta 99.6%. Waxaa sidoo kale ku haray 94 arday, taas oo ah 0.4%.
Natiijooyinkan ayaa muujinaya heer aad u sarreeya oo ah tirada ardayda ku guuleysatay imtixaanaadka shahaadiga ah ee sanadkan, iyadoo ku dhowaad dhammaan ardaydii gashay labada imtixaan ay u gudbeen heerka xiga ee waxbarashada.
Waalidiinta, macallimiinta iyo ardayda guuleysatay ayaa loo hambalyeeyay, halka ardayda aan ku guuleysan imtixaanka loo rajeeyay inay fursad kale uga faa’iideystaan horumarinta waxbarashadooda.