Safiirka Itoobiya u qaabilsanaa Soomaaliya, Suleiman Dedefo, ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho kaddib markii uu soo dhammeystay muddo xil-diblomaasiyadeed oo wax yar ka badan hal sano qaadatay.
Safaaradda Itoobiya ee Muqdisho ayaa Sabtidii, sheegtay in shaqaalaha safaaraddu ay sagootiyeen Dedefo, xilli uu ka dhoofayay caasimadda Soomaaliya, iyadoo safaaraddu ku tilmaantay bixitaankiisa mid ku yimid dhammaystirka muddadiisa xilka.
Si kastaba ha ahaatee, safaaradda Itoobiya ma aysan shaacin sabab gaar ah oo keentay bixitaanka safiirka, sidoo kalena lama shaacin qofka beddeli doona.
Dedefo waxaa loo magacaabay safiirka Itoobiya ee Soomaaliya sannadkii 2025, wuxuuna warqadaha aqoonsiga u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, 5-tii Agoosto ee isla sanadkaas.
Magacaabistiisa ayaa timid xilli labada dal ay dib ugu soo celinayeen xiriirkooda heer safiir, kaddib ku dhowaad hal sano oo uu jiray khilaaf diblomaasiyadeed oo aad u xooggan.
Khilaafka u dhexeeyay Muqdisho iyo Addis Ababa wuxuu si weyn u qarxay bishii Janaayo 2024, kaddib markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo ku saabsanaa in Itoobiya ay hesho marin badeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay markii Soomaaliya ay bishii Abriil 2024 dalka ka saartay safiirkii Itoobiya ee xilligaas, Muktar Mohamed Ware, iyadoo sidoo kale diblomaasi kale oo Itoobiyaan ah ku dhawaaqday inuu yahay qof aan dalka laga rabin.
Si kastaba ha ahaatee, xiriirka labada dal ayaa bilaabay inuu dib u soo hagaago kaddib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay garwadeen ka ahayd dawladda Turkigu.
Bishii Diseembar 2024, Soomaaliya iyo Itoobiya waxay magaalada Ankara ku kala saxiixdeen Bayaanka Ankara, kaas oo labada dhinac ay ku xaqiijiyeen ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta, isla markaana ay ku heshiiyeen in wadahadallo laga yeesho sidii Itoobiya u heli lahayd marin badeed iyadoo la dhowrayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Suleiman Dedefo ayaa lahaa khibrad diblomaasiyadeed oo ballaaran, Kahor inta uusan Soomaaliya iman, wuxuu safiir Itoobiya uga soo noqday Jabuuti, Imaaraadka Carabta iyo Nigeria.
Intii uu Jabuuti ka howlgallayay wuxuu sidoo kale guddoomiye ka ahaa guddiga safiirrada ee IGAD, waxaa kale oo uu soo noqday madaxa fulinta ee shirkadda dowladdu leedahay ee Ethio-Engineering Group.
Bixitaanka Dedefo ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa uu weli ku jiro marxalad diblomaasiyadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan arrinta marin-badeedka Itoobiya iyo heshiisyadii hore ee sababay khilaafka labada dal.