U bood dhigaalka

Nin lagu eedeeyay dilkii fannaan Mareykan ah oo lagu  magacaab jirey Tupac Shakur oo lagu helay dambi ku dhow 30 sano kadib

Sebteembar 1, 2026

Ku dhowaad 30 sano kadib dilkii fannaankii caanka ahaa ee hip-hop-ka Tupac Shakur, maxkamad ku taalla gobolka Nevada ee dalka Mareykanka ayaa Duane “Keffe D” Davis, oo 63 jir ah, ku heshay dambi ah inuu door ku lahaa dilka fannaanka.

Xeerbeegtida maxkamadda Clark County ayaa muddo ku dhow saddex saacadood ka tashatay kiiska, ka hor inta aysan go’aamin in Davis uu yahay dambiile, waxaana lagu helay hal dacwad oo ah dil darajada koowaad ah, iyadoo loo adeegsaday hub halis ah, kaddib maxkamad socotay 11 maalmood.

Davis, oo hore uga tirsanaa hoggaanka kooxda burcadda ah ee South Side Compton Crips ee magaalada Los Angeles, ayaa lagu eedeeyay inuu abaabulay weerarkii lagu dilay Tupac Shakur 7-dii Sebtembar 1996.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in sababta weerarka ay salka ku haysay dagaal dhacay saacado ka hor dilka, kaas oo dhex maray xubno ka tirsanaa kooxda Shakur iyo wiil uu Davis adeer u ahaa.

Tupac Shakur ayaa xilligaas magaalada Las Vegas u joogay inuu daawado ciyaar feerka culus ah oo uu ka qaybgalayay Mike Tyson, waxaana Saacado kadib markii uu dhacay iska horimaadkii casino-ga, Shakur uu saarnaa BMW uu waday Marion “Suge” Knight, oo ahaa aasaasihii shirkadda Death Row Records.

Markii ay marayeen meel nalka taraafikadu yaallo, waxaa dhinacooda soo istaagay Cadillac cad, waxaana gaarigaas laga furay rasaas,Tupac, oo markaas 25 jir ahaa, ayaa dhowr xabbadood ku dhaceen, halka Suge Knight uu isaguna dhaawacmay.

Fannaanka ayaa lix maalmood kadib u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray, taasoo dhalisay mid ka mid ah kiisaskii dil ee ugu caansanaa ee muddo dheer aan xal loo helin gudaha Mareykanka.

Dacwad-oogayaasha ayaa maxkamadda u sheegay in Davis uu hubka helay, kooxdiisana abaabulay, kadibna uu hubka u dhiibay qof ku jiray kursiga dambe ee Cadillac-ka, kaas oo lagu eedeeyay inuu rasaasta ku furay Shakur.

Davis ayaa ahaa qofkii keliya ee ka mid ahaa dadka ku jiray Cadillac-ka habeenka dilka ee weli nool.

Kiiska ayaa muddo tobannaan sano ah hakad ku jiray, iyadoo baarayaasha ay la tacaalayeen caddeymo aan ku filnayn. Hase yeeshee, arrintu waxay dib u soo cusboonaatay kadib markii Davis uu 2019-kii soo saaray buug uu kaga hadlay noloshiisa iyo waayihiisii kooxaha burcadda ah.

Sidoo kale, Davis ayaa sannado badan wareysiyo uu bixiyay kaga hadlayay xiriirkiisa dhacdadii dilka Tupac, waxaana hadalladaas ay noqdeen qayb muhiim ah oo ka mid ah dacwadda.

Dacwad-oogaha Binu Palal ayaa xeerbeegtida hor dhigay muuqaallo iyo hadallo hore oo Davis laga duubay, isagoo ku dooday in hadalladaasi yihiin qirashooyin muujinaya inuu ku lug lahaa qorshaha dilka.

qareenka Davis, Michael Sanft, ayaa arrintaas si weyn uga hor yimid, waxaana uu uxuu sheegay in hadallada uu Davis hore u bixiyay ay ahaayeen sheekooyin iyo been-abuur uu qayb ahaan ugu talagalay inuu buuggiisa suuq geeyo.

Difaaca ayaa sidoo kale ku dooday in aysan jirin caddeyn kale oo Davis si toos ah ugu xiriirinaysa dilka marka laga reebo hadalladiisa.

Davis ayaa ugu dambeyn lagu helay dambi, inkastoo uu horey u sheegay inuusan dambiile ahayn, Kadib markii xukunka lagu dhawaaqayna, wuxuu garsooraha u sheegay inuu qorsheynayo inuu racfaan ka qaato go’aanka maxkamadda.

Davis waxaa lagu wadaa in 13-ka Oktoobar 2026 la horgeeyo maxkamadda si loogu dhawaaqo xukunkiisa, waxaana uu wajihi karaa xabsi daa’in iyada oo aan loo oggolaan sii-dayn sharci ah.

Tupac Shakur wuxuu ka mid ahaa fanaaniintii ugu saameynta badnaa taariikhda hip-hop-ka, waxaana heesihiisa kamid ahaa “California Love” iyo “All Eyez on Me” oo dunida oo dhan caan ka noqday, waxaana uu door weyn ku lahaa loollankii xilligaas ka dhex jiray fanaaniinta hip-hop-ka ee East Coast iyo West Coast.

Dilkiisa ayaa muddo dheer ahaa arrin dhalisay su’aalo, mala-awaal iyo baaritaanno badan. Laakiin go’aanka cusub ee maxkamadda Nevada ayaa noqonaya tallaabo weyn oo lagu xallinayo mid ka mid ah kiisaskii ugu caansanaa ee taariikhda muusikada Mareykanka.

Ku dhowaad 30 sano kadib geeridii Tupac Shakur, magaca fannaanka ayaa weli ku jira taariikhda hip-hop-ka, halka xukunka Duane “Keffe D” Davis uu hadda noqonayo wejiga cusub ee kiiska dilka oo muddo dheer dunida ku mashquuliyay.