U bood dhigaalka

Shirkad Maraykan ah oo la wareegaysa shidaalka Venezuela, Shiinaha iyo Ruushkana laga riixayo

Sebteembar 1, 2026

Shirkad shidaal oo Maraykan ah ayaa lagu wadaa inay la wareegto qaar ka mid ah goobaha shidaalka ee muhiimka ah ee Venezuela, kuwaas oo horey uga hoos shaqeyn jiray shirkado laga leeyahay Shiinaha iyo Ruushka, taas oo qayb ka ah heshiis ballaaran oo dhinaca shidaalka ah oo uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay.

Sida ay laba sarkaal oo Maraykan ah u sheegeen Reuters, North American Blue Energy Partners, oo loo soo gaabiyo NABEP, ayaa la wareegi doonta maamulka qaar ka mid ah goobaha shidaalka, iyadoo heshiiskan uu shirkadaha Maraykanka siinayo fursad weyn oo ay ku galaan warshadaha shidaalka Venezuela, isla markaana hoos u dhigaya doorkii ay muddo dheer ku lahaayeen shirkadaha Shiinaha iyo Ruushka.

NABEP ayaa horey loo oran jiray shirkad uu lahaa maalqabeenka Maraykanka Harry Sargeant, balse hadda waxaa gacanta ku haya ganacsade reer Venezuela ah Alejandro Betancourt.

Betancourt ayaa xaqiijiyay heshiiska, isaga oo sheegay in Venezuela ay leedahay kheyraad dabiici ah oo aad u badan iyo awood aan weli si buuxda loo isticmaalin, isla markaana heshiiskan uu fursaddaas u rogi doono faa’iido ay helaan dadka Venezuela iyo Maraykankaba.

Sida xogta saraakiisha Maraykanka lagu sheegay, NABEP waxaa loo dhiibay 14 heshiis oo cusub, kuwaas oo ka mid ah qorshe ay shirkaddu ugu dambayn maamuli doonto 17 mashruuc oo shidaal ah gudaha Venezuela.

Shanta ka mid ah 14-ka goobood ee cusub ayaa horey uga howlgalayay shirkado Shiinaha laga leeyahay, halka hal goob ay maamuli jirtay shirkad Ruush ah.

Shirkadaha Shiinaha ee horey uga howlgalayay goobahaas waxaa ka mid ahaa China Concord Resources, Sinopec iyo China National Petroleum Corporation, iyadoo China Concord Resources ay Maraykanku cunaqabateeyay sanadkii 2019 sababo la xiriira arrimo la xiriiray Iiraan.

Heshiiskan wuxuu sidoo kale siinayaa dowladda Maraykanka awood iyo saameyn aan caadi ahayn oo ku saabsan shirkadda NABEP.

Shirkaddu waxay yeelan doontaa awoodda hawlgalka, laakiin dowladda Maraykanka waxaa loo oggolaanayaa xuquuq u dhiganta 35 boqolkiiba saamiga shirkadda, waxaana Washington sidoo kale loo siinayaa mudnaan ay ku heli karto 20 boqolkiiba wax-soo-saarka shirkadda iyadoo lagu iibsanayo qiimaha kharashka.

Aqalka Cad ayaa intaas ku daray in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka loo oggolaaday xuquuqda koowaad ee ay ku iibsan karto 80-ka boqolkiiba ee kale ee wax-soo-saarka NABEP.

Sidoo kale, Maraykanka ayaa yeelanaya awood uu ku diido go’aamada qaar ee guddiga maamulka shirkadda, waxaana la dejiyay shuruud ah in inta badan xubnaha guddigu ay noqdaan muwaadiniin Maraykan ah.

Heshiiskan ayaa imanaya xilli maamulka Trump uu si weyn u doonayo inuu kordhiyo doorka Maraykanka ee kheyraadka shidaalka Venezuela.

Toddobaadkii hore, Trump ayaa sheegay in Maraykanku helay fursad uu ku galo qayb ka mid ah kaydka shidaalka Venezuela ee la xaqiijiyay, kaas oo lagu qiyaasay ku dhowaad 64 bilyan oo foosto.

Sida uu Trump sheegay, Maraykanka ayaa hadda helaya malaayiin foosto oo shidaal ah oo laga soo saarayo Venezuela, kuwaas oo loo dirayo warshadaha sifeynta shidaalka ee Texas iyo Louisiana iyo meelo kale oo dalka ah.

Heshiiskan ayaa sidoo kale taabanaya qaar ka mid ah mashaariic horey lala xiriiriyay shakhsiyaad siyaasadeed iyo ganacsi oo awood ku lahaa Venezuela.

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in laba mashruuc ay horey uga howlgalayeen shirkado xiriir la lahaa Alex Saab, oo ahaa ganacsade si dhow ula xiriiray madaxweynihii hore ee Venezuela Nicolas Maduro, Saab-na hadda wuxuu ku jiraa gacanta dowladda Maraykanka.

Haddii qorshahan si buuxda loo hirgeliyo, wuxuu Venezuela ka dhigi karaa meel muhiim ah oo uu ka muuqdo loollanka dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka, iyadoo shidaalka Venezuela uu noqonayo mid si weyn ugu xiran danaha dhaqaale iyo juqraafi-siyaasadeed ee Washington.