U bood dhigaalka

Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya oo loo doortay Hantidhowraha Dibadda ee Kaydsan ee AFROSAI-A

Sebteembar 4, 2026

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa ka qaybgalay isla markaana hadal ka jeediyey Shirka Aasaaska Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Dalalka Afrika ee ku hadla Af-Carabiga AFROSAI-A, oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Intii uu socday shirka, Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay Hantidhowraha Dibadda ee Kaydsan (Alternate External Auditor) ee AFROSAI-A, muddo saddex sano ah oo ku eg 2026–2029.

Sidoo kale, Hantidhowraha Guud ee dalka Aljeeriya ayaa loo doortay Hantidhowraha Dibadda ee ururka muddada 2026–2029.
Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya ayaa AFROSAI-A uga mahadceliyey kalsoonida lagu muujiyey Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS, isagoo tilmaamay in doorashadaasi ay muujinayso muhiimadda iyo doorka Soomaaliya ku leedahay iskaashiga hay’adaha hantidhowrka ee qaaradda Afrika.

Mudane Axmed Ciise Guutaale ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in AFROSAI-A uu ka gudbo marxaladdii aasaaska, una gudbo heer hawlgal iyo wax-ku-oolnimo, si loo xoojiyo iskaashiga xirfadeed iyo is-dhaafsiga khibradaha Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee xubnaha ka ah ururka.

AFROSAI-A ayaa ka kooban sagaal dal oo Afrikaan ah, waxaana ujeeddadiisu tahay xoojinta iskaashiga, horumarinta xirfadda hantidhowrka iyo wadaagista khibradaha hay’adaha hantidhowrka sare ee dalalka Afrika ee ku hadla Af-Carabiga.

Doorashada Soomaaliya ee xilka Hantidhowraha Dibadda ee Kaydsan ayaa sidoo kale fursad u abuureysa Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS inuu sii xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca hantidhowrka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.