Marka dib loo eego dhacdooyinkii isdabajoogga ahaa ee dhacay intii u dhexaysay 20kii illaa 28kii Sibteenbar 2012kii, waxaa cad in xeeladda kooxda argaggixisada ah ee al-Shabaab (AS) ay dhaafsiisnayd dilka wariyayaashii xaqa tebintiisa ku dhiirraday ee baaddilkii argaggaxisada ganafka ku dhuftay. Ujeedda AS ayaa ahayd in ay wiiqaan oo ay aamusiiyaan dareenka iyo dhiirranaanta bulshada inteeda kale. Si aan u fahanno culayska iyo doogta maskaxeed ee kooxda argaggixisada ah ee AS ku reebtay saxaafadda, waa inaan si dhow u milicsannaa dhacdooyinkii isxigxigay ee bilowday 20kii Sibteenbar 2012kii.
Maalintaas, laba naftood-halige ah oo walxaha qarxa isku soo xiray ayaa si qorshaysan isku qarxiyay maqaayadda Baar Village oo ku dhowayd guriga Hooyooyinka. Goobtani keliya ma ahayn maqaayad cunto, waxayse xilligaas wariyayaasha u ahayd barkulanka ugu weyn ee ay ku sheekaystaan, iskuguna xogwaraystaan waayaha dalka.
Weerarkaas arxandarrada lahaa waxaa ku dhimatay ugu yaraan 15 qof, oo ay ku jireen saddex suxufi oo miisaan ku lahaa dalka. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cabdisataar Daahir Sabriye oo ka tirsanaa hawlwadeennada Telefishinka Qaranka, Liibaan Cali Nuur oo ka shaqaynayay Raadiyow Muqdisho, iyo Cabdiraxmaan Yaasiin oo ka tirsanaa warbaahinta qaranka. Gumaadka ka dhacay goobtaas wuxuu xanbaarsanaa farriin xeeladeed oo ah in gebi ahaanba albaabbada loo laabo barkulankii ay wariyayaashu isku xogwaraysan jireen, aragtiyahana ku wadaagi jireen, isla markaasna lagu dhowri jiray xorriyadda ra’yiga iyo fekerka madaxbannaan.
Haddaba, xeeladda liidata ee cabsigelinta ee kooxda argaggixisadu kuma ekayn qarax meel qura ka dhacay, waxayse wajigeedu soo ifbaxay maalin kaddib. 21kii Sibteenbar 2012, wax ka yar 24 saac kaddib dilkii saddexdii suxufi ee Baar Village, waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay Xasan Yuusuf Absuge, oo ahaa soosaare dhiirran oo ka tirsanaa Radio Maanta.
Falalkan wada anfariirka leh ee muddada yar gudaheed ku dhacay, waxay muujiyeen xeelad loogu talagalay in lagu abuuro xaalad argaggax oo baqdin-u-joog ah. Marka uu suxufi kasta oo magaalada jooga ogaado in saaxiibbadiis lagu laayay qarax, isla markaasna kii subaxaas ka hadlay idaacaddana isla habeenkiiba la toogtay, waxaa su’aal gashay dareenkii dhiirranaanta iyo runsheegidda. Haddii ay suxufiyiintu markii hore taxaddar dheeraad ah yeelan jireen marka ay furimaha dagaalka joogaan, maalmahaas waxay ku baraarujiyeen in khatartu aysan ku ekayn goobaha colaadda. Waxay garwaaqsadeen in markan dagaalku u soo guuray xafiisyadii shaqada, goobihii shaaha lagu cabayay, iyo luuq kasta oo ay maraan, iyagoo si cad u fahmay inay yihiin bartilmaameed toos ah oo la ugaarsanayo.
Waxyeelladii ka dhalatay weerarradan kuma ekayn keliya dhimashada weriyayaasha, sidoo kale waxay raad weyn ku reebtay guud ahaan madaxbannaanidii iyo tayadii wararka ee dalka. Warbixin rasmi ah oo uu soo saaray ururka National Union of Somali Journalists (NUSOJ) 23kii Sibteenbar 2012, oo xilligaas cinwaan looga dhigay “Impunity: War on Somalia’s Journalists”, ayaa lagu caddeeyey in beegsigan baaxadda leh uu suxufiyiinta geliyay xaalad adag oo cabsi ah. Cabsidani waxay ku khasabtay in wariyeyaal badani ay doortaan badbaadada naftooda, halkii ay runta tebin lahaayeen, iyadoo qaar kalena ay shaqada gebi ahaanba isaga baxeen.
Dhinaca kale, hay’adda Committee to Protect Journalists (CPJ) ayaa warbixin ay soo saartay 1dii Oktoobar 2012 ku dhawaaqday in sannadkaas uu yahay kii ugu dhiigga badnaa ee soo maray saxaafadda Soomaaliya, taas oo raad caafimaaddarro ku reebtay xaaladda maskaxeed ee weriyayaasha. Marka ay kooxuhu awood u yeeshaan inay cabsi ku beeraan qofka wararka soo tebiya, waxaa meesha ka baxa kalsoonidii iyo dhiirranaantii lagu sheegi lahaa xaqiiqada jirta.
Haddaba, weerarkii maqaayadda Baar Village haddii uu argaggax ku abuuray wariyeyaasha tebiya siyaasadda iyo warbixinnada amniga ee dalka, dhacdooyinkii xigay ee dhacay dhammaadkii bishii Sibteenbar ee isla sannadkaas 2012kii waxay muujiyeen in qorshaha argaggixisada AS uu yahay mid lagu tirtirayo qof kasta oo magaca suxufi sita ama cid kasta oo bulshada u hawlgasha, codna u noqota. Kooxdu waxay billowday inay ugaarsato xataa dhallinyarada ka shaqaynayay qaybaha madaddaallada, ciyaaraha, iyo tebinta wararka caalamiga ah, kuwaas oo isu haystay inay ka fog yihiin loollanka hubaysan iyo kan siyaasadeed ee dalka ka jira.
27kii Sibteenbar 2012, degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Cabdiraxmaan Maxamed Cali. Cabdiraxmaan wuxuu ahaa qoraa iyo weriye firfircoon oo maalin kasta bulshada u tebin jiray wararka ciyaaraha ee shabakadda Ciyaaraha Maanta. Dilka weriyahan wuxuu meesha ka saaray aragtidii ahayd, ‘haddii aadan siyaasadda tebin, dhib kuuma imaanayo’. Danta ay argaggixisada AS ka lahayd dilka wariyahan ayaa ahayd murtidii Soomaaliyeed ee ahayd ‘Waysha gowrac, dibigu ha ku quustee’, oo macna ahaan noqon karta; haddii aanba dilnay wariyihii ciyaaraha tebinayay ee ka fogaa loollanka dalka, kuwii siyaasadda iyo amniga xaggee joogaan?!
Maalin kaddib dilkii Cabdiraxmaan, oo ku beegnayd 28kii Sibteenbar 2012, waxaa gudaha caasimadda lagu dilay Axmed Cabdullaahi Faarax, oo ahaa weriye iyo sawirqaade u shaqaynayay wakaaladda wararka rasmiga ah ee dalka Yemen ee SABA. Dilalka isdabajoogga ahaa ee Cabdiraxmaan iyo Axmed waxay soo xireen siddeed maalmood oo gumaad ah, iyadoo muddadaas gudaheed magaalada Muqdisho lagu dilay lix suxufi. Arrintani waxay bishii Sibteenbar ee sannadkii 2012kii ka dhigtay bishii ugu dhiigga badnayd ee soo martay taariikhda saxaafadda Soomaaliya. Ururka caalamiga ah ee Reporters Without Borders (RSF) ayaa warbixin rasmi ah oo uu soo saaray 19kii Diseenbar 2012, cinwaan looga dhigay “War on Somalia’s Journalists”, bishaas Sibteenbarna u aqoonsaday bishii ugu dhiigga badnayd ee sooyaalka saxaafadda Soomaaliya. Maanta oo laga joogo 14 sano, diiwaanka caalamiga ah ee ay ururiyaan hay’adaha u ololeeya xuquuqda wariyayaasha ayaan lagu arkin bil ka danbaysay oo ay ku dhimatay tiro intaas la eg oo suxufiyiin ah, taas oo ka dhigan in toddobaadkan iyo bishan ay weli ku suntanyihiin masiibadii ugu xumayd ee soo marta warbaahinta dalka.
Xeeladdan cadowgu adeegsanayay oo ah “codka shacabka aammusi”, ma noqon mid ku kooban Sibteenbar 2012kii oo keliya, waxayse dib u soo laabatay afar sano kaddib. 27kii Sibteenbar 2016, dabley hubaysan oo mooto watay ayaa magaalada Muqdisho ku dhex dilay Cabdicasiis Cali Xaaji, oo ahaa weriye caan ah oo ka tirsanaa idaacadda madaxbannaan ee Radio Shabelle. Toogashada Cabdicasiis waxay ahayd farriin kale oo muujinaysa in bisha Sibteenbar ay noqotay bil xusuus xun u ah saxaafadda, isaga oo noqday weriyihii 13aad ee idaacaddaas laga dilo tan iyo sannadkii 2007dii.
Raadka dilalkan isxigxigay ee silsiladda ahaa wuxuu keenay in hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo amniga saxaafadda ay qayladhaan ka soo saaraan xaaladda dalka. Warbixin gaar ah oo ay soo saartay hay’adda Amnesty International 24kii Sibteenbar 2012kii, oo cinwaan looga dhigay “Somalia: Human rights priorities for the new Somali government”, ayaa si dadban ugu bidhaamisay nuxurka murtida ah ‘Waysha gowrac, dibigu ha ku quustee’. Hay’adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in beegsiga suxufiyiinta ka shaqeeya arrimaha bulshada ee aan ku jirin loollanka siyaasadda, sida wariyayaasha ciyaaraha, loogu talagalay in lagu argaggaxiyo suxufiyiinta kale oo dhan, si qof kasta u dareemo inuusan badbaado lahayn meel kasta oo uu joogo. Sidoo kale, ururka Reporters Without Borders (RSF) ayaa warbixintoodii sannadlaha ahayd ee soo baxday 19kii Diseenbar 2012kii ku caddeeyay in Soomaaliya ay tahay dalka labaad ee caalamka ugu khatarta badan suxufiyiinta, iyadoo silsiladdan dhacdooyinka Sibteenbar loo soo qaatay marag cad oo muujinaya in cadowgu uusan wax kala sooc ah u samaynayn cid kasta oo bulshada cod u noqota, iyadoo makarafoon ama qalin adeegsanaysa.
Gunaanadkii, toddobaadkii madoobaa ee bishii Sibteenbar 2012kii wuxuu cashar iyo cibra u noqday bahda saxaafadda, iyada oo ay ka dhasheen isbeddello waaweyn oo dhanka badqabka iyo sharciga ah. Markii ugu horraysay taariikhda dalka, ururka National Union of Somali Journalists (NUSOJ) oo kaashanaya xiriirka caalamiga ah ee International Federation of Journalists (IFJ) ayaa bishii Nofeenbar 2012kii magaalada Muqdisho ka bilaabay tababbarkii ugu horreeyey ee lagu barayo suxufiyiinta habraacyada badbaadada rasmiga ah ee naftooda. Waxaa la qoray buugag hagaya amniga wariyayaasha. Sidoo kale, ololayaashii dabagalka caddaaladda ee ka dhashay gumaadkii Sibteenbar 2012kii waxay dhaliyeen in dowladda Soomaaliya lagu khasbo isbeddel sharci; waxaana 8dii Sibteenbar 2020 si rasmi ah loo ansixiyey Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Gaarka ah ee u xilsaaran baarista denbiyada loo gaysto suxufiyiinta. Inkasta oo weerarradaas ee kooxda argaggixisada ah ee AS ay reebeen masiibo iyo mahadho weyn, haddana suxufiyiinta Soomaaliyeed marna isma dhiibin, mana oggolaan in la aammusiyo codkooda. Waxay muujiyeen dadaal iyo dhiirranaan, iyagoo sii watay tebinta xaqiiqada, maantadan la joogona waxay weli si dhab ah cod iyo indho ugu yihiin bulshada Soomaaliyeed, qalinka iyo makarafoonkuna ay noqdeen kuwo ka adkaaday cabsida iyo qaraxyada.