Maanta oo kale, labaatan iyo kowda Sibteenbar, sannad kasta waxaa adduunweynaha laga xusaa maalinta caalamiga ah ee nabadda. waa xilli ay dunidu dib umilicsato qiimaha ay leedahay in la helo nolol ka caagan cabsi, dhiigdaadin, iyo burbur, iyada oo xusiddu ay tahay mid si weyn ugu taagan baahida loo qabo in la isu naxariisto, la isdhagaysto, la iscafiyo, oo la is-afgarto. Nabaddu waa tiirka ugu weyn ee ay ku taagantahay nolosha aadanaha, waana muraayadda lagu arko horumarka, degganaanshaha iyo isu samiqaadashada bulshada dhexdeeda ka jirta. Marka la eego dhinaca bulshada nabaddu waxa ay ka dhigantahay xaalad dabiici ah oo ay tahay in la sugo oo la ilaaliyo si ay u hanaqaaddo ama loo helo nolol ku dhisan tabaabushayn iyo iskaashi ka wada dhaxeeya umadda. Bulsho kasta oo doonaysa in ay gaarto hiigsigeeda iyo horumarkeeda fog, waxay tahay in ay garwaaqsato in dhibaatada iyo colaaduhu ay yihiin kuwo burburiya mustaqbalka ubadka iyo asaaska nololeed ee guud ahaan dadweynaha.
Haddii nabadda la wada ilaashanayo oo qof waliba meeshiisa iskaga xilqaamayo, wax walbana laga horraysiinayo, wax badan oo innaga hallaabay ayaa innoo qabsoomi lahaa. Nolosheennuna halka ay maanta joogto meel ka roon ayay gaari lahayd. Ujeeddadu waxay tahay haldoorkii laga filayay inuu nabadda ku hoggaamiyo illaa kii u baahnaa in loo ilaaliyo nabadda ee maatada ahaa, ayaa idil ahaantood ku la’ nabaddii. Kii nabadda laga sugaayay oo kaalintiisii ka soo bixi waayay iyo kii in loo hirgeliyo sugayay oo meeshiisii ku waayay nabaddii. Waayadii hore dadka nabadda ilaalin jiray, oo dadka isku keeni jiray, heshiisyada fidin jiray waxaa u horeeyay odey dhaqameedyada, qayb weyn ayay ka ahaayeen xalka bulshada welina way ka yihiin. Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa la arkaa nabaddoono leh “Gala dagaalka!” waxa ay ka shaqaynayaan colaad jirta in ay sii huriyaan oo meeshii iyaga dantooda ka heli waayaan (dhac-dhac ka heli waayaan) aya ka shaqaynayeen sidii ay dadkii isku dhibaatayn lahaayeen. Waa halkii Abshir-Bacadle: “Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”.
Dhacdooyinka murugada leh ee ka dhasha colaadaha qabiilka iyo is-qabqabsiga waxay mar walba horseedaan in laga guuro ama laga tago degaannadii nabadda iyo barwaaqada ahaa, isla markaasna ay meesha ka baxaan waxsoosaarkii iyo hantidii dadku wada lahaa. Inbadan waxaan argnaa dad ka soo tagaya meelihii ay degannaayeen sababo colaadeed awgeed. Haday noqon lahayd colaad qabyaaladeed, (waa midda ay Soomaalidu inta ugu badan isku dagaashaaye), colaad siyaasadeed iyo colaad ka dhalata khilaafaadka dhexmara bulshooyinka wada dega. Waxa ay bulshadu ku reebaan utun iyo mahadhooyin aan ka soo kabasho lahayn. Sababtoo ah bulshadu waxa ay la noolaadaan ama caqabadihii iyo dhibaatooyinkii ka soo gaaray colaadaha. Haday noqon lahayd qof ehelkiisa ama qof xididkiisa ah ku waayay ama qof duunyadiisa iyo maalkiisa ku waayay intaba. Taas waxaa inoo caddaynaysa maansadii Nabadda ee Hayayaal taas oo 1984tii abawaan Gaariye tiriyay waxaa ka mid ahaa:
Anigaa colaadda ku hoobtay
Wiil iyo walaalba ka hoogay
Anigaa hugaygu i diiday
Imminkana haddaan la heshiinin
Hibashada haddaan la dawaynin
Hebel yaa lahaa la iloobin
Himilooy wallee gabalkaa dhac!
Talo faro ka haadday mooyee
Calanyahaow waxa tahay loo hadh.
Dalkeenna iyo dadkeenna inta badan waxaa ragaadiyay ama dibudhaca ku riday ayaa ah colaadaha aan dhammadka lahayn oo maalin kasta ay dadka ku dhammaanayaan iyaga oo dhexdooda islaynaya, dad walaalo ah oo meel wada dega, xoolaha wada raacda, ceelka wada dhaansada ayaa isku soo laabanaya oo colaad waxa ay tahay aan la ogayn ayaa dhex maraysa. Waxa ay iska dilayaan birimagaydadii, aqoonyahankii iyo geesigii wax u tari lahaa. Abwaan Soomaaliyeed ayaa wax uu ku gabyay:
Wax badan baad galangal oodda loo rogay
Iyo hanad haad ku gaylamayoo, iyo meel gamaad le joogteene
Gasabkaad ka dhaxashaan iyo guulaha ma tiriseen?
Mar kale abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde meerisyo uu leeyahay ayaa waxa ay leeyihiin:
Tirtirsiinyo Soomaali baan looga taag heline
Sayyidkii Taleex degay, markay turunturaynaysay
Haddaad maalintii taabacdaan tani ma joogteene
Anaa kaa tol roon waa waxaad u tariqi weydeene
Tulud geel ah oo awroorsaday baad isugu timaaddaane
Kaligay cadaawaha raggii tiirin lahaa waa idinkii tiraye
Keligay intaan geesi tabay waa tiro iyo dheeraade!!
Sida dhacdayba ama ilaa iyo hadda taagan dalkeenna colaad iyo dagaal kama dhamaadaan, siday ku dhacaanba. Laakiinse dadkeennu waa dad jecel nabadda iyo xasillooni ku noolaanshaha! Waxa ay marar badan ku hal qabsadaan ama ay isweydiiyaan su’aalo ay ka mid yihiin: maxaa lagu waabariistay? Warsan ma sheegteen? Nabad ma sheegteen? Maxaa reerku ku soo hoyday? Sow nabadi sahaydaada ood sidato ma ahan? Iyo kuwo la mid ah.
Intaas waxaa dheer muhiimadda nabaddu ay leedahay si kastaba waa loo sheegay waana loo ogyahay, waxaa lagu sheegay murti, maahmaahmaa baa lagu sheegay, maansaa lagu sheegay, gabay iyo heesna waa lagu sheegay. Bulshaduna har iyo habeen ayay ubaahantahay in ay ku noolaadaan nabad, xasillooni iyo barwaaqo. Soomaalidu waxaa la yiraahdaa, “hadal been ah way tiraahdaa, beense kuma maahmaahdo. Maahmahyada nabadda lagu tilmaamay waxaa ka mid ah: Nabad baa naas la nuugo leh. Nabadi barwaaqo ma weydo. Nabadi waa geel xeradii iyo rag gogoshiis.
Waxaa hubaal ah in nabadi la’aanteed aaan la jiri karin. Murti tiraahdaa jirta “nabadi waa nolol.” Waxa ay la micno tahay: (hal geel ah, oo madi ah oo caano badan, oo lawada leeyahay, oo lawada maalo, qofna aan diidin hashaas markuu weelka la hoostago), taas ayaa ah nabadda. Qolo kasta ama bulsho kasta waxa ay wax ku qiimaysaa ama ay tilmaanteeda ku bixisaa waxyaabaha ugu qiimaha badan ee noloshooda ay haystaan.
Helidda nabadda iyo ku wacyigelinta bulshada waxaa door weyn ka qaatay hooyooyin Soomaaliyeed, gabdho yaryar oo si nabad loo helo darteed reero kale oo reerkeeda colaadi dhex martay loo guuriyay, geesi geesi uhalgamay nabadda helitaankeeda iyo abwaano habeen iyo maalin u taagnaa in ay wax ku darsadaan wacyiga dadkooda. Waxaan soo qaadanaynaa qaybo ka mid ah gabayo ay tiriyeen abwaanno Soomaaliyeed oo dadka u sheegaya muhiimadda ay nabaddu leedahay. Gabayadaas waxaa ka mid ah:
Bog wixii leh wixii baabbaco leh amase baalleyda
Bad intii ku nool, intii berri dushii joogta
Dhammaantood ammaan bay tagaan meel ay bidayaane
Bawd iyo mascirir waxay u tahay noolahaa badan;
Ee haddaan nabadi beledkaaga ool, waa bar-kuma-taalee
Hayinkii bulshadu waa amniyee baydda u adkeeya
Baallacad sacaaga oo dhaliyo boqol halaad oo geel ah
Ama ariga oo kuu batoo subagna kuu buuxo
Ee haddaan nabadi beledkaaga ool, waa bar-kuma-taalee
Hayinkii bulshadu waa amniyee baydda u adkeeya
Barbaartaan iskuullada tagayn baqa daraaddiiye
Booshari furnaadiyo ma jiro bilis adeegtaaye
Bangalooyinkaa bilicda liyo ubaxu ma beermeene
Baabuurtan kala gooshasan barada dhaafayno
Bulsho ganacsigeeduna baahi beel ma lehe.
Hayinkii bulshadu waa amniyee baydda u adkeeya
Nabad baa baraaraha lahoo lagu bariistaaye
Buur weeye lagu tiirsadoo, lagu badbaadaaye
Nabad baa xisbiyo beretamaa soo baxaa midiye
Nabad baa baraayminister iyo baarlamaan jiriye
Nabad baa burjiga dawliyo baawarkii imanne
Ee haddaan nabadi beledkaaga ool, waa bar-kuma-taalle
Hayinkii bulshadu waa amniyee baydda u adkeeya.”
— Abwaan Axmed Kayse