In ka badan 100 sanno caalamku wuxuu ku hoos jiray fikirka carra-edegaynta (globalization). Carra-edegayntana xaqiiqadeeda waaqiciga ah iyo hirgelinteeda dhaqan waa in aslinimada ummadaha kale la badhxo, kaddibna la hoosgeeyo dhaqanka reer Galbeedka ee calanwalaynaya, iyaga oo la ashqaraarsan ama awood lagu aqbalsiinayo. Balse xasuuqii Qasa iyo siyaasadda is-ururinta ee Maraykanku kaga tanaasulay ilaalinta qiyamka laybaraaliyadda ayaa keenay inay ummadaha shaki geliyaan hormuudnimada reer Galbeedka iyo inay dib boodhka uga jafaan dhaxalkooda asliga ah.
Qodobbada maanta waxaan ku soo koobayaa muxaadaro qiimo badan oo uu jeediyay mufakirka iyo cilmibaadhaha reer Gadar ee Dr. Naayif binu Nahaar oo ciwaankeedu yahay “Ugu Qummanaanta Quraanka” isaga oo ka dhinbiilqaadanaya hadalka Alle ee ah, “Quraankani wuxuu dadka ku hagayaa (arrinka) ugu qumman.” Qormadani waxay sees u tahay hayaanka loogu jiro hirgelinta qiyamka Quraanka ee waaqaca muslimiinta.
1) Carra-edagaynta Galbeedaysan ee lagu qasbay ummadduhu waxay samaysay saab (gal). Muslimiinta oo keliya maaha, balse dhammaan caqliyada aadamuhu waxay noqdeen kuwo ku jira saabka ilbaxnimada wax muquunisay. Dhib malaha inaad tidhaahdo waxaan ahay muslin leh nidaam siyaasadeed oo islaami ah, balse waa inuu ku jiraa saabka dimoqraadiga layberaalka iyo hannaankiisa xisbiyada badan. Ha isku dayin inaad saabkaas ka baxdo, haddii kale waxaanu kugu tilmaamaynaa inaad tahay badow dibusocod ah. Dhib malaha inaad tidhaabdo waxaan ahay muslin leh nidaam dhaqaale oo Islaami ah, balse waa inuu ku hoosjiraa hannaanka hantigoosadka iyo haayadihiiss maaliyadeed. Dhib malaha inaad yeelato afkaar ku saabsan culuumta bulshada, balse waa inay hoos timaaddaan hannaanka fikirtooyo ee layberaalka. Cilmigaaga bulsho, cilmigaaga nafsiga, iyo dhammaan culuumtaadu waa inay noqdaan kuwo Islaamaysan oo Galbeedaysan.
Saabkani wuxuu inagu qasbay inaynu gudihiisa uun ku fikirno, oo aynaan bannaanka uga bixin. Waxay ina siiyeen xorriyad dhalanteed ah, oo aynaan haysan.
Inta badan mashaariicda casriyaynta Islaamka ee socota ujeeddadoodu maaha in la keeno Islaam la jaanqaadaya baahiyaha casrigeenna, balse waa in la keeno islaam la jaanqaadaya doonista casriga Galbeedka. Xataa jaamacadaha sheegta islaamdoonimada mashruucoodu waa inay Islaamka Galbeedeeyaan, ee ma aha in aqoonta la islaamiyo. Labadaasna farqi weyn ayaa u dhexeeya. Islaaminta aqoontu waa inay ka dhinbiilqaadato waxyiga, kaddibna ay aragto wixii waxyigaas la jaanqaadaya oo ay ka faa’iidaysato, balse maaha inuu Galbeedku udubdhexaad noqdo, oo waxyiga la hoosgeeyo.
2) Nasiib wanaag, saabkaas carra-edagaynta ee Galbeedku horboodayaa wuu dildillaacay. Ma odhanayo wuu dhammaaday, balse calaamadihii burburkiisu way bilaabmeen. Burburkaas waxa keenay laba sababood: duufaankii Aqsa, iyo Maraykanka oo faraha ka qaaday waardiyanta fikirtooyada layberaaliyadda. Labadan sababood waxay aasaas u noqdeen inuu abuurmo wacyi cusub, iyo inay ummadaha kale helaan fursad cusub.
Duufaankii Aqsa ee ka bilaabmay magaalada Qasa wuxuu dhulgariir ku riday wacyiga caalamka ee la xidhiidha tusaalaha reer Galbeedka. Waa tusaalaha reer Galbeedka ee aynu hore u sheegnay inuu laba sababood adduunka ku haystay awood iyo ashqaraar. Duufaanka Aqsa wuxuu meesha ka saaray ashqaraarkii. Iska daa ummadaha kale e, xataa reer Galbeedkii xuquuqda aadamaha u doodi jiray, iyo kuwii xaqsoorka u dagaalami jiray waxa lumay ashqaraarkii ay u qabeen muunadda reer Galbeedka. Iyaga iyo mufakiriintii kale ee caalamkuba waxay ku baraarugeen inaanay muunadda reer Galeedku ahayn sidii ay moodayeen. Caqliga aadamuhu wuxuu bilaabay inuu ka fikiro beddelka muunadda Galbeedka, oo markii hore loo arkayay dhammaadka taariikhda, iyo inaan wax ka wanaagsan la helayn, ama aanu caqliga dadku keenayn wax la mid ah.
Sababta labaad ee saabkii carra-edagayntu u burburay waa inuu Maraykanku faraha ka qaaday fikirtooyada layberaalka. Berigii hore masuulka ugu hooseeya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanku intuu kuu yimaaddo ayuu ku odhanayay waa inaad waxaa samaysaan, waa inaad xorriyadahan ogolaataan, waa inaad dumarka sidan ula dhaqantaan, waa inaad carruurta sidan ula dhaqantaan. Imika Maraykankii wuxuu ku qaylinayaa inaanu ummaddaha iyo arrimahooda shaqo ku lahayn. Arrinta ciidanka iyo arrinta dhaqaalaha mooyaane, wax kale dan kama lihin ayay yidhaahdeen. Xuquuqda aadamaha iyo wixii caalamku naftiisa ku samaynayo dan kama lihin ayay yidhaahdeen. Arrintanna waxay ku caddeeyeen dhambaalka istaraatiijiyadda Qaranka ee uu maamulka Maraykanku soosaaray. Waxay yidhaahdeen xuquuda aadamaha iyo xorriyada bulshooyinku waa arrin dhaqan oo aannaan shaqo ku lahayn. Markaa ashqaraarkii waxa baabiiyay duufaankii Aqsa, awoodiina way laciiftay markii ay faraha ka qaadday quwaddii ugu weynayd ee ilaalinaysay hannaanka Layberaaliyaddu.
Ashqaraarkii iyo awooddiiba markay tageen, waxayny joognaa ammintii taariikheed ee ugu habboonayd ee aynu dhaqaajin lahayn mashruuca ‘‘ugu qummanaanta Quraanka’’. Waa mashruuca ah in Quraanku noqdo manhajka ummaddan iyo hoggaamiyaheeda. Imika cidna kugu ma caayayso dibusocod haddaad Quraanka ku baaqdo sida beryihii hore. Culayskaasi wuu yaraaday, caqliyadiina waxay bilaabeen inay fikiraan. Waxaynu joognaa ammintii Quraanka, iyo ammintii aynu xaqiijin lahayn inuu Quraanku yahay hagaha jidka ugu qumman. Waxaa la joogaa ammintii dadka lagaga saari lagaa mugdiga, ee la gayn lahaa dhanka iftiinka iyada oo kitaabkan la adeegsanayo.
3) Maxaynu uga jeednaa ugu qummanaanta Quraanka? Quraankii wuxuu ka buuxaa masaajidda, guryaha, dugsiyada iyo goob kasta, ee maxaynu uga jeednaa ugu qummanaanta Quraanka? Ugu qummanaanta Quraanka waxaynu uga jeednaa laba fikradood: wax kasta oo Quraanku jideeyay ayaa ugu qumman iyo wax kasta Quraanka ayaa halbeeg u ah.
Fikradda koowaad: Wax kasta oo Quraanku jideeyay ayaa ugu qumman. Waa inaynu taas rumayno iimaan dhammaystiran. Haddii uu Alle (SWT) diido ribada taas ayaa ugu qumman dhaqaalaha; haddii uu Alle jideeyay wadatashiga taas ayaa ugu qumman siyaasadda; haddii uu Alle ninka saaray masuuliyadda qoyska taas ayaa ugu qumman guurka; waxba yaan laga warwareegin. Haddii uu Alle jideeyay in heshiisyada la dhowro taas ayaa ugu qumman siyaasadda. Ma aha inaad tidhaahdo siyaasaddu waa fanka danaha, heshiisyada in la dhowraana maangal waaqici maaha. Waaqici way tahay ee adiga ayaa ku dhaqmaya maangalka fursadgaadka iyo maangalka munaafiqiinta.
Annagu ma nihin ummad habow ah oo aan halbeegyo iyo qiyam lahayn. Ma nihin ummad anbad ah oo fursad kasta oo dhaqaale ay ula kacayso bari iyo galbeed. Waxaanu nahay ummad mabaadi leh, oo garanaysa sida ay danaheeda u dhowrsayso inay qiyamkeeda iyo akhlaaqdeeda u dhowrto. Sidaas darteed, ugu qummanaanta Quraanku waxay ka dhigan tahay intaanad ku dhaqaaqin go’aan kasta inaad u bandhigto Quraaanka, oo aad tidhaahdo muxuu arrinkan Quraanku ka qabaa? Go’aan kasta oo noloshaada ah waa inaad u bandhigto Quraanka, oo aad tidhaahdo muxuu Quraanku ka qabaa?
Fikradda Labaad: Wax kasta Quraanka ayaa halbeeg u ah. Tani waxay ka dhigan tahay ugu qummanaanta Quraanku ma diidayso wixii aan Quraanka ahayn, balse wax kasta Quraanka ayay u celinaysaa. Cidna ma diidayso waxsoosaarka aqooneed ee aadamaha, balse waa in Quraanka garsoore looga dhigo. Waa inuu Quraanku noqdo isha koowaad iyo ta ugu sarraysa. Alle wuxuu Quraanka ku sifeeyay muquuniye, isaga ayaa leh gacanta sare, wax kasta oo kalena way ka hooseeyaan.
Muddo kahor waxaan u fiirsaday weedha ah “aqoontu waa awood”. Weedhan “aqoontu waa awood” waxa yidhi faylasuufka reer Galbeedka ah ee Faransiis Biikon oo horseed u ahaa falsafadda casriyowga. Weedhan waxaad ku arkaysaaa iyada oo ku qoran qaar ka mid ah dugsiyada iyo jaamacadaha Islaamka. Quraanku haddaba ma wuxuu u arkaa aqoonta awood? Maangalka Faransiis Biikon miyuu waafaqsan yahay maangalka Quraanka? Markaad u fiirsato waxa kuu soo baxaysa inaanay weedhani waafaqsanayn Quraanka. Haddii ay aqoontu tahay awood fikirka reer Galbeedka, aqoontu waa masuuliyad fikirka Quraanka. Alle wuxuu leeyahay “ha odhan waxaanad aqoon u lahayn, waayo maqalka, daymada iyo maankaba masuuliyad ayaa kaa saaran” oo waa lagu weydiinayaa.
Haddaba, halkii wax kasta oo ay dadku yidhaahdeen aan iskaga celcelin lahaa, sida aqoontu waa awood, waxaan ku toosiyay Quraanka, waxaana ii soo baxday aqoontu waa masuuliyad. Muslin ahaan maangalkaagu wuu ka duwan yahay ka dadka kale, waayo Quraanka ayaa miisaan u ah. Quraanka ayaa toosinaya, markaa weedh kasta isagaan u bandhigayaa, intii aan iskaga hadaaqi lahaa. Quraanka ayaan u bandhigayaa macnaha horumarka, macnaha guusha, macnaha jiraalka iyo macnaha wax kasta oo kale.
4) “Quraankani wuxuu dadka ku hanuuninayaa arrinka ugu qumman” waxay noqonaysaa aayad Quraanka iskaga taalla haddii aan waaqaca laga hirgelinnin. Taasna waxaynu ku hirgelinaynaa inay nolosheenna Quraanka uga dhigno barbilow laga dhaqaaqo iyo bardhammaad loo noqdo. Mashruuca hirgelinta ugu qummanaanta Quraankuna maaha mashruuc uu leeyahay qof gaar ah, ama mad-hab gaar ah, ama xisbi gaar ahi, ee waa mashruuca Quraanka laftiisu u soo degay. Waa mashruuca aayadda “Kuwii Alle rumeeyayoow waxba haka horraysiinina Alle iyo Rasuulkiisa”. Wax ba haka horraysiin Quraanka iyo sunnada. Waa daliil cad. Mar kale Alle wuxu yidhi, “haddii aad wax ku murantaan u celiya Alle iyo Rasuulkiisa”. U fiirso kadibna wuxuu yidhi, “waa haddii aad rumaysan tihiin Alle iyo maalinta aakhiro”. Arrinka waxa ku xidhan rumayntaada Alle iyo maalinta aakhiro, oo haddii aad rumaysan tahay waxaad fikirkaaga u celinaysaa kitaabka Alle iyo sunnada nebi Maxamed. Maaha arrin ay doorasho ka furan tahay.
Xaqiijinta ugu qummanaanta Quraanku waa masuuliyadda qof kasta oo muslin ah. Ha odhan waa masuuliyadda culimada, waayo markii ay aayaddani soo degaysay Alle muu odhan waa masuuliyadda culimada. Qof kastaa waa inuu naftiisa weydiiyo kaalintee baan ka qaadan karaa xaqiijinta ugu qummanaanta Quraanka iyo hirgelinteeda waaqaca? Aaggaaga sidee baad uga hirgelin kartaa? Ha noqdo injineeriyad, caafimaad, waxbarasho, suugaan, dhaqaale ama siyaasade? Qof kastaa wuu hirgelin karaa ugu qummanaanta Quraanka.
5) Laba caqabadood ayaa hortaagan inay caqliyadda Islaamku xaqiijiyaan ugu qummanaanta Quraanka, kuwaas oo kala ah dayicidda Quraanka iyo daacadnimo la’aanta.
Dayicidda Quraanka: Muuqaalka guud ee ummadda Islaamku waa dayicidda Quraanka. Iska daa caamada e, haddii aad maanta la fadhiisato qof dhallinyaro ah oo ardayda shareecada ah, oo aad weydiiso suuradaha Quraanka, ama qisaska Quraanka, kuwaas oo ah khayraad weyn oo dhanka tarbiyadda, siyaasadda, bulshada iyo waxbarashada ahi, oo ku tidhaahdo qisaskaas wax macne ah ma kala soo baxday markaad dhugatay? Ma arkaysid qof dhugtay. Haddii aad buugaagta kale weydiisid, waxaad arkaysaa qof tobannaan buug akhriyay oo kuu faahfaahinaya sharraxooda. Markaad ku tidhaahdo suuradaha Quraankana sidaas u sharrax, waxba kama garanayo.
Si guud marka loo hadlayo Quraanku dhexdeenna wuu ku dayacan yahay, taasina waa arrin halis ah. Xadiiska ku sugan Saxiixul Muslinka ayaa ah “waxa la keenayaa qiyaamaha Quraanka iyo ehelkiisii ku camalfali jiray” . Waa ayo ehelka Quraanku? Waa kuwii ku camalfali jiray. Taasi waxay ka dhigan tahay, waxaad noqon kartaa Quraan daayac, adiga oo haddana xifdisan.. Waxaad noqon kartaa Quraan daayac adiga oo tobanka qiraa’aba yaqaanna. Waxaad tahay Quraan daayac haddii aanad ku camalfalin. In lagu camalfalaa kama dhigna uun in la fuliyo axkaamtiisa waajibka ah sida salaadda, soonka iyo xajka, balse sida oo kale waa in Quraanka la dhuuxo sida uu Alle ina faray. Alle wuxuu ina faray inaynu Quraanka ku fikirno, ee miyaad ku fikirtaa? Dhuuxista iyo ku fikirista Quraanku waa arrimo halbawle ah, waana nuxurkii Quraanku u soo degay, ee maaha kuwo hareeryaal ah. Markaa haddii aanad Quraanka dhuuxin kumaad camalfalin, haddii aanad Quraanka ku camalfalinna ehelkii Quraanka ma tihid.
Haddii aanad fahansanayn nuxurka Quraanka waxba ma sheegayaan xifdigaaga iyo akhriskaagu. Mushkiladda ummadda haysataa maaha mushkilad xifdi, ummaddu Quraanka way xifdisan tahay, balse waxa ka dhiman ogaalka iyo wacyigii Quraanka. Waxa jiro dugsiyo badan oo Quraanka lagu xifdiyo, taasina waa arrin wacan, gaar ahaanna markay yaryar yihiin inay dhallinyaradu qaybaan Quraanka. Laakiin meeye mashaariicdii dhuuxista Quraanku? Meeye dugsiyadii maanka muslimiinta ku dhiirrigelin lahaa inay dhuuxaan Quraanka? Maaha inay goobahaasi meesha ka baxaan, iyaga oo ah kuwa xanbaarsan yoolkii Quraanku u soo degay. Sidaas darteed, dayaca iyo ka haajirista Quraanka waa in la saxo, markaas ayay dhuuxista Quraanku saxmaysaa.
Daacadnimo la’aanta: Run kula ma dhaqanno Alle. Waynu fahmaynaa ahmiyadda inaynu dadka kale run kula dhaqanno, oo waxaad arkaysaa dad run isu sheegaya, ama dad ballamaha ay qaadaan fulinaya. Balse dad badani Alle iyo naftooda run kula ma dhaqmaan. Sidee? Wuxuu akhriyayaa qofku Quraanka isaga oo fikrado hore qaba, kaddibna wuxuu doonayaa inuu Quraanku waafaqo fikradahaas hore. Maxaynu faa’iidnay. Waxay ahayd inuu Quraanku ina hanuuniyo, ee maaha inaynu innagu Quraanka hoggaamino. Waxaynu doonaynaa inuu Quraanku ina hoggaamiyo oo uu inaga saaro mugdiyada oo uu ina geeyo iftiinka; balse haddii aynu Quraanka ku qasabno xaglinteenna inuu waafaqo, innaga ayaa Quraanka hoggaaminayna, ee isagu inama hoggaaminayo.
Waxaad arkaysaa qof ku gefaya qof kale. Sheekh ku gefaya sheekh kale. Waxaad ku odhanaysaa kuuma bannaana inaad qofkan shakhsiyaddiisa baabbiiso. Haddii uu hal masalo ku qaldamo ka toosi, balse colaadda aad u qabtaa yaanay caddaaladda kaa kaxaynin. Wuxuu shakhsi weerarkaas ku sheegayaa inuu yahay gorfayn cilmi ah, iyo inuu Alle faray in xaqa la is faro, balse uurkiisa wuu og yahay inuu doonayo inuu qofkaas shakhsiyaddiisa burburiyo, oo xasad u qabo, ama ay arrin kale oo shakhsi ahi dhextaallo. Haddana weerarkaas wuxuu huwinayaa hu’ shareeco. Korka wuxuu inoogu muuqdaa inuu run sheegayo, balse uurkiisa wuu ogyahay inaanu daacad ahayn.
Tusaale kale, dadka qaar ayaa caan ku noqonaya arrimo gaar ah oo Quraanka liddi ku ah, kaddibna way ku adkaanaysaa inay ka soo laabtaan. Haddii aad tobanaan aayadood u akhrido ma anfacayaan, waayo waaa arrin ay ku adag tahay inuu ka soo laabtaan. Waxaad arkaysaa qof aasaasay haayad ku dhisan fikrad gaar ah, kaddibna wuxuu gadaal ka ogaanayaa inaanay fikraddaasi Quraanka la jaanqaadayn. Waxaad ku odhanaysaa haayadaas iska xidh? Way ku adag tahay. Waxaad ku odhanaysaa istiraatijiyaddeeda beddel? Way ku adag tahay. Tan waxa ku dhaqaaqi kara uun dadka daacadda ah. Dadka Alle ugu hoggaansan si dhammaystiran.
Waxaad arkaysaa qof qaba fikrado ka xaglinaya dumarka. Wuxuu u arkaa dumarku inaanay wax qiimo ah lahayn. Waxaad u sheegaysaa aayadaha dumarka ku saabsan, kaddibna wuu ka warwareegayaa. Wuxuu doonayaa inuu macnaha aayadaha luqunjibaadho si xaglintiisa hore u waafaqaan, balse ma doonayo inay aayaduhu toosiyaan xaglintiisa. Qofkaas Quraanku waxba uma tarayo. Iska daa inuu qummanaanta Quraanka dadka kale u xaqiijiyo, ee naftiisa ayaanu u xaqiijin karayn.
6) Marka la doonayo in ugu qummanaanta Quraanka waaqic ahaan loo xaqiijiyo dadku waa afar kooxood: kooxda waxyeelloobaysa, kooxda xaasidiinta ah, kooxda fursadgaadka ah iyo kooxda daacadda ah.
Kooxda waxyeelloobaysa: Cid kastaa ma jecla xaqiiqada, waxa jira dad xaqiiqada cadow ku ah. Quraanka ma jecla daalimiintu. Ma jiro daalin Quraanka jeceli, haddii uu afka ka yidhaahdo xataa waa been. Mashruuca Quraanku u yimi waa inuu caddaaladda xaqiijiyo bulshada dhexdeeda. Sidee buu markaas qof daalin ahi caddaalada u jeclaanayaa? Suurtagal maaha. Qof kasta oo doonaya in bulshada caddaalad lagu dhaqo, cidda ugu horraysa ee la dagaalamaysaa waa daalimiinta, waayo danahooda ayay ku beelayaan arrinkaas. Sidaa darteed, markii uu Quraanku soo degay dhammaan kooxaha wax waayayaa way ka hor yimaaddeen. Alle wuxu yidhi isaga oo Nebi Maxamed la hadlaya, “Adiga kuma beeninayaan, ee dulmifalayaashu aayadaha Alle ayay diidayaan.’’ Adiga wax dhibaato ah kaama tirsanayaan, ee mashruuca aad waddo ayay diiddan yihiin. Mashruucaas ayaa danahooda kala daadinaya. Iyagu waxay macaash ku qabaan sanamyada, waayo ganacsi dhan iyo dhaqaale dhan ayay sanamyadu ku fadhiyaan, adiguna waxaas oo dhan ayaad doonaysaa inaad dumiso. Culimadii reer bani Israa’iil waxay haysteen kaalin bulsho, xilal iyo hanti, ma waxaas oo dhan ayay kaa yeelayaan inaad ka dumiso.
Kooxda Xaasidiinta ah: Kooxdani waxa laga yaabaa inaanay mashruuca wax dhib ah u arag, balse ay diiddan tahay cidda mashruuca wadda laftooda. Mararka qaarkood waxaad arkaysaa qof aqoonyahan maagaya, markaad raadiso waxa uu aqoonyahanka ku haystana waxaan xasad ahayn ma soo helaysid. Wuxuu ku odhanayaa wuxuu qoray 20 buug ama 30 buug, sidee buu tayada buugaagtaas u hubiyay? Waxaad ku odhanaysaa miyaad akhriday buugaagtaas? Maya maan akhriyin ayuu ku odhanayaa. Sidee baad haddaba u xukuntay? Way tirabadan yihiin oo qof caadi ahi waxaas oo buugaag ah ma qori karo. Adigu qofka ayaad diiddan tahay, ee buugaagta iyo waxa ku qoran toona maad akhriyin.
Kooxda Fursadgaadka ah: Kooxdani bilawga kuma danaynayaan, balse haddii aad guulaysato ayay kuu imanayaan. Haddii culays jiro kooxdani kuuma imanayaan, balse haddii mashruucu dheef yeesho ayay kuu imanayaan. Kooxdan waxa tusaale u ah reer miyigii xilligii Nebiga (SCW). Reer miyigaasi xilligii bilawga dacwadda diinta may soo gelin, sida oo kale furashadii Maka kahor markii uu Nebigu galay heshiiskii Xudaybiya may raacin dacwadda, waayo qaniimo may jirin. Balse markii uu Nebigu tegay Khaybar ee ay qaniimadu jirtay dhammaantood waxay yidhaahdeen aanu ku raacno. Waxay u socdeen keliya waxay ahayd qaniimada iyo hantida.
Kooxda Daacadda ah: Kooxdani xaqa ma diiddana, balse xaqa ayaanay garanayn. Waa kooxdan kooxda ay tahay inaad xooggaaga oo dhan isugu gaysaa. Caqligaaga oo dhan kooxdan ku bixi. Kuwa kale ha ku habsaamin. Haddaad u fiirsato baaqa Quraanka, waxaad arkaysaa in Nebiga la farayay inuu kooxdan awoodda isugu geeyo. Waa koox aan xaqa garanayn, balse haddii ay gartaan ku dhaqmaya. Kooxdan mooyee saddexda kooxood ee kale waqti hayskaga lumin.
7) Quraanku marka la daraasaynayo wuxuu dejiyay manhaj loo raacayo. Tusaale ahaan waa in la fahmo israaca aayadaha, erayada Quraanka, kalagarashada aayadaha muxkamka ah iyo kuwa muhmalka ah, in loo laabto fasirka sunnada, in loo laabto afka Carabida iyo manhajyo kale oo aynu ku fahmayno nuxurka Quraanka. Haddaba innaga oo manhajyadaas ku dhaqmayna waa inaynu ka soosaarno ugu qummanaanta Quraanka aag kasta oo nolosha ah sida siyaasadda, waxbarashada, ganacsiga iyo dhaqaalaha, cilmiga bulshada, iyo laan kasta oo nolosha ah. Qof kasta oo Quraanka akhriyaa waa inuu kala soo baxaa hagayaal aaggiisa ku saabsan. Waa inuu Quraanku ku hagaa markaad la dhaqmaysid ehelkaaga, naftaada, qoyskaaga, saaxiibbadaa, goobtaada shaqada iyo cid kasta oo kugu xeeran. Waa inaad iswaydiisaa habdhaqankaagu ma waafaqsan yahay hanuunka Quraanka mise ma waafaqsana?