Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa dhisay xukuumadda cusub ee dalka, kaddib markii uu u billowday muddo-xileedkiisa cusub oo ah 5 sano.
Golaha Wasiirrada cusub ayaa waxaa ku jira xubno matalaya qaybaha kala duwan ee bulshada Itoobiya, iyadoo Soomaalida Itoobiya ay xukuumadda cusub ka heshay hal wasiir.
Injineer Suldaan Wali ayaa loo magacaabay Wasiirka Waraabka iyo Dooxooyinka, isagoo noqonaya wakiilka Soomaalida ee kamid noqday Golaha Wasiirrada cusub ee dowladda Itoobiya, wuxuuna hore u ahaa wasiiru-dowlaha Biyaha iyo Tamarta.
Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Itoobiya ay xoogga saarayso horumarinta kaabayaasha biyaha, waraabka iyo mashaariicda la xiriira wax-soo-saarka beeraha.
Xukuumadda cusub ee Abiy Axmed ayaa la filayaa inay mudnaanta siiso arrimaha horumarinta dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka.