Taliyaha Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Venice ee dalka Talyaaniga kaga qayb galay Shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda ee dalalka caalamka, kaas oo lagu qabtay xarunta Arsenal ee Ciidamada Badda Talyaaniga.
Shirweynaha waxaa ka qayb galay taliyeyaasha ciidamada badda ee dalal kala duwan, iyadoo looga hadlay arrimo la xiriira xoojinta amniga badaha caalamka, ilaalinta iyo sahminta fiilooyinka mara badda, horumarinta qalabka casriga ah ee ciidamada badda iyo xoojinta iskaashiga dowladaha leh dhul-badeedyo kala duwan.
Sidoo kale, shirka waxaa diiradda lagu saaray is-weydaarsiga xogta maraakiibta iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka badda, iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dalalka ku lugta leh amniga badaha.
Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka ganacsiga iyo bulshooyinka caalamka, isla markaana ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaal ugu jirto xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka kale ee leh marin-badeedyo.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay xoogga saarayso sugidda iyo xakamaynta amniga dhul-badeedkeeda, iyadoo muhiimad gaar ah siinaysa iskaashiga caalamiga ah iyo wadaagga xogaha la xiriira amniga badda.
Intii uu ku sugnaa Talyaaniga, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya ayaa sidoo kale si rasmi ah u saxiixay laba heshiis oo Soomaaliya ka dhigaya xubin ka tirsan laba shabakad oo caalami ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinaca amniga iyo maamulka gaadiidka badda.
Labada shabakad ayaa kala ah Virtual Regional Maritime Traffic Centre (V-RMTC) iyo Trans-Regional Maritime Network (T-RMN), kuwaas oo diiradda saaraya wadaagga macluumaadka iyo xoojinta iskaashiga dowladaha ku hawlan ilaalinta iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka badda.
Dhanka kale, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa kulamo doceedyo la yeeshay Taliyaha Ciidamada Badda Qatar, Major General Abdullah Hassan Al-Sulaiti, iyo Taliyaha Ciidamada Badda Turkiga, Admiral Ercüment Tatlıoğlu.
Kulamada ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca ciidamada badda iyo horumarinta xiriirka saddex-geesoodka ah ee Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga badda, tababarka iyo wadaagga khibradaha.