U bood dhigaalka

Soomaaliya oo tababar ku saabsan xasaanadda diblomaasiyadeed u qabatay hay’adaha amniga

Oktoobar 6, 2026

Muqdisho, 6 Oktoobar 2026 – Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay tababar ku saabsan mudnaanta iyo xasaanadda diblomaasiyadeed, kaas oo loo qabanayo hay’adaha amniga dalka.

Tababarkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah, waxaa bixinaya Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, waxaana ka qaybgalaya mas’uuliyiin ka kala socda CID, Ciidanka Taraafikada, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, NISA, Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo hay’ado kale oo amni.

Ujeeddada tababarka ayaa ah in la xoojiyo fahamka hay’adaha amniga ee ku aaddan xuquuqda, mudnaanta iyo xasaanadaha diblomaasiyiinta, iyadoo si gaar ah looga hadlayo waajibaadka ku xusan Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tababarku sidoo kale muhiim u yahay fahamka waajibaadka Soomaaliya ka saaran ilaalinta diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala dalalka kale.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Xamsa Aadan Xaadoow, ayaa tilmaamay in dhowrista xasaanadaha iyo mudnaanta diblomaasiyadeed ay muujinayso mas’uuliyadda Soomaaliya ee bulshada caalamka, isla markaana ay door muhiim ah ka qaadanayso xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga caalamiga ah.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha hay’adaha dowladda ee la macaamilka arrimaha diblomaasiyadda iyo wakiillada dalalka shisheeye ee Soomaaliya.