Muqdisho, 7 Oktoobar 2026: Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMDHD) ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan dhaqan-gelinta qaar ka mid ah qodobbada Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 2026.
Guddoomiyaha Guddiga, Avv. Burhaan Aadan Cumar, ayaa sheegay in muddadii lixda bilood ahayd ee loo asteeyay in tallaabooyinka maamul lagu waafajiyo Dastuurka cusub ay ku egyahay 14-ka Oktoobar 2026.
Guddigu wuxuu caddeeyay in laga bilaabo 14-ka Oktoobar ay dhaqan-gelayaan Qodobka 81aad, Faqraddiisa 1aad, xarafka (f), iyo Qodobka 117aad, Faqradda 3(a), kuwaas oo dhigaya kala saaridda xilalka xildhibaannimada iyo xubinnimada Golaha Wasiirrada.
Sida uu Guddigu sheegay, marka qodobbadan ay dhaqan-galaan, xildhibaanka noqda wasiir uu luminayo xubinnimada Golaha Wasiirrada, halka xildhibaanka aqbala xil kale oo dowladeed uu luminayo xildhibaannimadiisa.
GMDHD ayaa sidoo kale tilmaamay in hirgelinta qodobbadan ay tahay waajib dastuuri ah, iyadoo Qodobka 4aad ee Dastuurka uu dhigayo in Dastuurku yahay xeerka ugu sarreeya dalka, marka laga reebo Shareecada Islaamka, ayna waajib ku tahay dhammaan hay’adaha dowladda inay u hoggaansamaan.
Warsaxaafadda Guddiga ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay wax ka yar toddobaad ka harsan tahay waqtiga loo asteeyay in qodobbadan ay si rasmi ah u dhaqan-galaan.