U bood dhigaalka

Afhayeenka Laftagareen: “Qasaxdheere maanta ayay dib ugu soo noqotay gacanta Koonfur Galbeed”

Oktoobar 8, 2026

Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa sheegay in degmada Qasaxdheere ee gobolka Bakool ay maanta dib ugu soo laabatay gacanta ciidamada uu ugu yeeray Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Afhayeenka, Maxamed Xuseen Xasan, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in degmada Qasaxdheere ay ciidamada Laftagareen la wareegeen maanta qeybtii hore ee maalinta.

“Waxaan guud ahaan shacabka KGS ku wargelinaynaa in degmadii qadiimiga ahayd ee Qasaxdheere ay maanta dib ugu soo gashay gacanta dowladda KGS,” ayuu yiri afhayeenku.

Wuxuu sheegay in shacabka iyo mas’uuliyiinta degmada Qasaxdheere ay si weyn u soo dhaweeyeen ciidamada, isagoo ciidamada ku tilmaamay “Daraawiishta KGS.”

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo saraakiisha la socota ay yihiin dad deegaanka ah, ayna ka shaqeyn doonaan waxa uu ku tilmaamay dowladnimada iyo dib-u-soo-celinta maamulka.