U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Guddiga Maamulka Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka

Oktoobar 8, 2026

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay xubnaha Guddiga Maamulka ee Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka Soomaaliyeed, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xubnaha guddiga oo ka kooban 9 xubnood loogu ansixiyay cod gacan taag ah

Ansixinta guddigan ayaa qayb ka ah hirgelinta go’aankii Golaha Wasiirrada ee 30ka Oktoobar 2025, kaas oo lagu ansixiyay Xeerka Aasaasidda Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka Soomaaliyeed

Guddiga cusub ayaa loo xil saaray maamulka iyo hagidda hawlaha shirkadda, iyadoo tallaabadan ay dowladda ku tilmaantay mid la xiriirta horumarinta iyo maareynta kheyraadka kalluumaysiga iyo dhaqaalaha buluugga ah ee dalka

Xubnaha Guddiga Maamulka

Yuusuf Cabdiraxmaan Cali — Guddoomiye

Daariq Muuse Xasan — Guddoomiye Ku xigeen

Yaasiin Jaamac Faarax — Xubin

Arwa Cabdiqaadir Maxamed — Xubin

Xasan Aadan Cumar — Xubin

Axmed Maxamed Cali — Xubin

Xanaaan Xaashi Cali — Xubin

Maxamed Cabdullaahi Cumar — Xubin