Muqdisho, 9 Oktoobar 2026 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarro ay sheegtay in kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Abha iyo King Khalid ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ku sheegtay in weerarradu ay xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah, isla markaana ay khatar ku yihiin madaxbannaanida Sacuudi Carabiya iyo amniga guud ee gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay inay garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo xustay in amniga gobolka Gacanka iyo Badda Cas uu xiriir dhow la leeyahay amniga Soomaaliya.
Sidoo kale, dowladda ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu beegsanayo kaabeyaasha rayidka, si looga hortago khasaaraha nafeed iyo khataraha amni ee ka dhalan kara weerarrada noocan ah.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoysaska dadkii ku dhintay weerarrada, iyadoo sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhaawacmay.