U bood dhigaalka

Dagaal Khasaare Sababay oo Ka Dhex Qarxay Waqooyi Bari iyo Somaliland

Oktoobar 9, 2026

Dagaal sababay khasaare ayaa la sheegay inuu ka dhex qarxay dhinacyada Waqooyi Bari iyo Somaliland, kaddib markii uu muran ka dhashay geel la kala dhacay jiidda deegaanka Buqdharkayn.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalka ay ku lug leeyihiin laba beelood, kaas oo salka ku haya muran la xiriira xoolo la kala dhacay.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka, tirada dadka waxyeelladu gaartay iyo xaaladda ugu dambeysay ee deegaanka ayaan weli la xaqiijin.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco.