U bood dhigaalka

Maxaa Ka Jira In La Hakiyey Mashruuca Biyo-mareennada Muqdisho?

Oktoobar 10, 2026

Warar soo baxay ayaa sheegaya in la hakiyey saxiixa heshiis la xiriira mashruuc biyo-mareenno oo Muqdisho laga fulin lahaa, kaas oo qiimihiisa lagu sheegay $51 milyan.

Mashruuca ayaa la filayey inuu wax ka qabto daadadka, biyo-fadhiisiga iyo burburka waddooyinka Muqdisho xilliyada roobabka.

Baahida loo qabo biyo-mareenno ayaa sii kordhaysa, maadaama dhismaha magaalada iyo ciriiriga waddooyinku ay xannibeen marinnadii dabiiciga ahaa ee biyaha.

Wararka ayaa intaas kudaray inuu jiro muran ku saabsan in qayb ka mid ah maalgelinta loo weeciyo waddooyin laga hirgelinayo Somaliland iyo Puntland, waxay sidoo kale su’aalo ka keentay hufnaanta maamulka mashaariicda iyo cidda go’aamisa sida loo kala hormarinayo dhaqaalaha kaabayaasha.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga Adduunka midkoodna ma xaqiijin in heshiiska la hakiyey ama in qayb ka mid ah dhaqaalihii mashruuca meel kale loo wareejiyey.

Hakinta mashruuc noocan ahi waxay kordhin kartaa khatarta daadadka xilligan roobabka Deyrtu ku soo wajahan yihiin caasimadda.

Kobaca degdegga ah ee dhismayaasha Muqdisho, oo aan la socon qorshe mideysan oo lagu maareeyo bulaacadaha iyo biyo-mareennada, wuxuu sii xannibayaa marinnada hadda ah ee biyaha, taasoo sababi karta biyo-fadhiisi, burburka waddooyinka, barakac iyo hakad ku yimaada isu-socodka iyo ganacsiga magaalada.