Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa hay’adda FAO-SWALIM, ayaa soo saartay warbixin qiimayn ah oo ku saabsan saamaynta la filayo in roobabka Deyrta ee la xiriira El Niño ay ku yeeshaan kaabayaasha biyaha ee dalka.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in qiimayn lagu sameeyay 7,517 ilood oo biyo ah ay muujisay in 595 ka mid ah ay wajahayaan khatar fatahaad oo aad u sareysa, kuwaas oo ay ku jiraan 68 ceel-biyood oo istiraatiiji ah oo muhiim u ah helitaanka biyaha.
Sida lagu xusay daraasadda, boqolkiiba 65 ilaha biyaha ee khatarta fatahaad ku jira ayaa ku yaalla toban degmo oo dalka ka tirsan, taas oo muujinaysa baahida loo qabo in meelahaas mudnaan gaar ah la siiyo marka la qorsheynayo ka hortagga khataraha fatahaadaha.
Wasaaradda ayaa sheegtay in warbixintu tilmaamayso tallaabooyin muhiim ah oo ay tahay in la qaado ka hor inta aysan fatahaaduhu dhicin, kuwaas oo ay ka mid yihiin ilaalinta ceelasha iyo qalabkooda, yaraynta khatarta wasakhowga biyaha, diyaarinta agabka sifaynta biyaha iyo qalabka dayactirka kaabayaasha waxyeelladu gaarto.
Sidoo kale, qiimayntan ayaa la filayaa inay gacan ka geysato hagidda qorshayaasha diyaar-garowga, isku-duwidda hawlaha hay’adaha ka shaqeeya biyaha iyo fayadhowrka, iyo go’aannada la xiriira maalgelinta tallaabooyinka ka hortagga fatahaadaha.
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa ugu baaqday bahwadaagta ka shaqeeya biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda inay natiijooyinka iyo talooyinka warbixinta ku saleeyaan qorshayaashooda diyaar-garowga, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadaha, loona ilaaliyo ilaha biyaha ee ay bulshadu ku tiirsan tahay.