U bood dhigaalka

Hay’adda Amniga Gudaha Mareykanka oo baaritaan ku sameysay guriga Ilhan Omar

Oktoobar 12, 2026

Muqdisho, 12 Oktoobar 2026 — Saraakiil ka tirsan Hay’adda Baarista Amniga Gudaha ee Mareykanka (HSI) ayaa Isniintii baaritaan ku sameeyay guriga Ilhan Omar, oo ah xildhibaanad Dimuqraadi ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, sida ay sheegeen laba qof oo xog-ogaal u ah arrintan.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee AP baaritaanka ayaa qayb ka ah kiis dembiyeed oo socda.

Labada qof ee xogta bixiyay ayaa codsaday inaan magacyadooda la shaacin, maadaama aan loo oggolayn inay si fagaare ah uga hadlaan baaritaanka.

Ilaa hadda lama shaacin faahfaahin ku saabsan sababta gaarka ah ee baaritaanka, waxyaabaha ay saraakiishu raadinayeen iyo eedeymaha uu kiisku la xiriiro.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu bishii May ee sannadkii hore sheegay in maamulka Madaxweyne Donald Trump uu baaritaan ku sameyn doono Ilhan Omar, kaddib eedeymo la xiriira khiyaano dhinaca socdaalka ah.

Ilhan Omar ayaa horay u beenisay eedeymahaas. Si kastaba ha ahaatee, xogta la helay ma caddaynayso in baaritaanka gurigeedu uu si toos ah ula xiriiro eedeymihii hore loo soo jeediyay.