Muqdisho – Boqolaal qof ayaa caawa ka barakacay xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir, gobolka Banaadir, halkaas oo uu deggan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, kaddib markii uu sheegay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay hareereeyeen.
Dadka deegaanka ayaa la sheegay inay guryahooda ka baxeen iyagoo ka cabsi qaba in xaaladda amni ee xaafaddu ay sii xumaato, isla markaana uu dhaco iska hor-imaad hubeysan oo waxyeello u geysan kara dadka rayidka ah.
Barakaca ayaa imanaya xilli ay isa soo tarayaan wararka la xiriira xiisad amni oo ka taagan xaafadda Tiintiinley, kaddib markii Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamadeeda Ilaalada Shacabka ay la kulmeen weerarro ay ku eedeysay maleeshiyaad hubeysan oo ay sheegtay inay ka amar qaataan madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed.
NISA ayaa sheegtay in dhacdooyinku ka dhaceen nawaaxiga Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud ee degmada Wadajir, iyadoo dhinaca kale Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in ciidamada dowladda ay hareereeyeen.
Barakaca dadka rayidka ah ayaa muujinaya walaaca laga qabo in xiisadda ka taagan xaafaddu ay isu beddesho iska hor-imaad hubeysan oo saameeya shacabka ku nool deegaanka.
Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin dhammaystiran oo ku saabsan halka ay dadka barakacay u hayaameen, khasaaraha ka dhashay xaaladda iyo tallaabooyinka ay dhinacyadu qaadi doonaan saacadaha soo socda.