Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa kulan la yeeshay Robert Flannery, oo ah la-taliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Afrika ee Dowladda Mareykanka, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska wasiirka ee Muqdisho 10-kii Oktoobar 2026, ayaa lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wacyigelinta bulshada, looga hortagi lahaa dacaayadaha argagixisada, loona mideyn lahaa farriimaha dowladda ee la xiriira dadaallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo qorshe warbaahineed oo mideysan iyo ololeyaal wacyigelin oo wax ku ool ah, si bulshada Soomaaliyeed loo gaarsiiyo farriimo sax ah oo kor u qaadaya fahamkeeda iyo ka-qaybgalkeeda dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada.
Dhankiisa, Robert Flannery ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta iyo isgaarsiinta istaraatiijiga ah, si loo xoojiyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada.
Kulanka waxaa wasiirka ku wehliyay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Istaraatiijiga ah ee Wasaaradda, Cabdishakuur Cali Axmed, iyo la-taliyaha wasiirka, Cabdicasiis Jeylaani.